Laba Ciyaartoy oo ka Tirsan Kooxda Spain oo lagu Abaal Mariyey 153 KG oo Tamandho Xabuub ah

0
10

Ku guuleysigii Koobka Adduunka ee kooxda Spain wuxuu u keenay abaalmarino ciyaartoy badan oo kala duwan. Ka waran hadii lagugu abaalmariyo miisaanka jidhkaaga oo Tamaandho ah, hubaal ahaan waa mid ka mid ah kuwa aan caadiga ahayn. Taasi waxa lagu abaalmariyey labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Spain Fabian Ruiz iyo Gavi, oo qayb ka ahaa kooxdii Spain ee ku guuleysatay koobkii adduunka markii ay ku laabteen magaaladii ay ku dhasheen. Labadan qof ayaa ka yimid Los Palacios y Villafranca   oo ah magaalo ku taal koonfurta Seville oo ay ku nool yihiin dad ka yar 40,000 – waxayna ku soo laabteen Arbacadii waxay soo dhaweeyey madaxdii dawladda hoose.

Ruiz oo ka tirsan Paris St-Germain, kaas oo finalka ka bilaabay Argentina, iyo Gavi oo ka tirsan Barcelona ayaa xidhnaa biladaha dahabka ah iyada oo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Los Palacios y Villafranca iyo dadweyne aad u badan.

Munaasabaddaha lagu maamuusayo guushooda waxa ka mid ahaa in labadaba la siiyey miisaankooda oo Tamaandho ah. Ruiz ayaa heli doona 85kg Tamaandho ah  iyo Gavi  helaya 68.5kg. “Waxay noqotay astaan ​​ay degmadu ku sharafto ciyaartoydeeda waaweyn”. Sidaa waxa sheegay mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Ciyaaryahankii hore ee garabka uga ciyaari jiray Spain Jesus Navas ayaa sidoo kale ka soo qayb galay isaga oo ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Los Palacios y Villafranca ee ku guuleysta Koobka Adduunka, markii uu sidaas sameeyay sanadkii 2010. Navas, weeraryahankii hore ee Manchester City, iyo Ruiz ayaa sidoo kale helay hadiyadda tamaandhada ka dib markii Spain ay ku guuleysatay Euro 2024. Rugta ciyaaraha ee magaalada waxaa loogu magac daray Navas iyo Ruiz, Gavi-na hadda waxaa loogu magac dari doonaa garoomada kubadda cagta si loogu maamuuso guulahooda.

“Intaa waxaa dheer, hoolka dawladda hoose wuxuu kor u qaadi doonaa dhismaha taallo loo qoondeeyay saddexda horyaal ee ka socda Los Palacios,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay golaha deegaanka., dibadda. Palacios y Villafranca ayaa qayb libaax ku leh ciyaartoyda Qaranka Spain.