Wasiirka Qorshaynta: “Biyuhu Waa Mudnaanta Koowaad ee Xukuumadda Somaliland”

0
17

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, ayaa sheegtay in biyuhu yihiin mudnaanta koowaad ee Xukuumadda wadajir iyo waxqabad, iyadoo xustay in qorshuhu yahay in la gaadhsiiyo deegaan kasta oo dalka ah.

Wasiir Kaltuun ayaa tilmaantay in Madaxweynaha Qaranka Jamhuuiryadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro mudnaan gaar ah siiyay sidii degmo kasta oo laga heli karo biyo loogu hirgelin lahaa mashaariic biyo-gelin ah, iyadoo Wasaaradda Horumarinta Biyuhuna ay si joogto ah uga shaqayso sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa adeegga biyaha.

“Biyuhu waa mudnaanta koowaad ee Madaxweynaha Qaranka, waxaana mudnaan la siiyay in degmo kasta oo biyo laga heli karo laga hirgeliyo mashaariic biyo-gelin ah, Qorshaha Xukuumaddu Waa In Biyaha La Gaadhsiiyo Deegaan Kasta” ayay tidhi Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan.