Ciidamadda Ruushka ee Taageeraya Milatariga Mali oo Lagu Eedeeyay Dilka Siddeed Qof oo Rayid ah

0
9

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada milatariga ee ay maamusho dowladda Ruushka inay dileen siddeed qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, weerar cirka ah oo ka dhacay badhtamaha Mali. Warbixin la daabacay Jimcihii, hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ayaa ku sheegtay in weerarrada ay geysteen ciidamada Afrika ay ka dhaceen 15-kii Juun tuulada Kyrnia, oo ku taal gobolka Mopti ee dalka Mali.

“Milaterigu waa inay si dhexdhexaad ah u baadhaan dhammaan dambiyada dagaal ee suurtagalka ah ee ka dhaca dhulkooda, oo ay ku jiraan duqeymaha cirka ee Kyrnia, iyo  xadgudubyada lagu haysto inay qayb ka yihiin,” ayay tidhi cilmi-baadhe HRW Sahel, Ilaria Allegrozzi. Mali oo ay hoggaaminayaan militariga ayaa la dagaallamaysa kooxo badan oo hubaysan oo xidhiidh la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS), waxayna lumisay dhul badan sannadihii u dambeeyay.

Ciidamada milatariga Ruushka – oo markii hore ka tirsanaa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, ka dibna Ciidamada Afrika ee Kremlin-ka maamulaan – ayaa taageeraysay askarta Mali tan iyo 2021. Si kastaba ha ahaatee, isbahaysigooda, ayaa wajahaya warbixino sii kordhaya oo ku saabsan rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Warbixinta HRW oo soo xiganaysay laba ilo-wareed ayaa sheegtay in laba diyaaradood oo militariga Mali ah oo lagu sheegay Sukhoi Su-24 ay ugu yaraan laba rasaas ku tuurtay Kyrnia intii lagu jiray weerarkii bishii Juun. Hal weerar ayaa ka dhacay bannaanka guriga madaxa tuulada, taas oo dishay xaaskiisa, laba carruur ah iyo dhowr kale. Weerar labaad ayaa ka dhacay suuq yar oo lo’da lagu iibiyo, taa soo keentay afar dhimasho iyo laba dhaawac, sida ay sheegtay.

Warbixintu waxay xustay in ugu yaraan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Jamaacaat Nusrat al Islam wal Muslimin (JNIM) oo ay taageerto al-Qaacida ay ku sugnaayeen tuulada xilligii weerarka, iyada oo intaas ku dartay in JNIM ay maamulaysay Kyrnia muddo lix sano ah. Si kastaba ha ahaatee, ma jirin goobo JNIM ah oo la duqeeyay, sida ay sheegtay HRW.

Warbixintu waxay xustay in saddex ka mid ah wiilasha madaxa tuulada ay yihiin dagaalyahanno JNIM ah iyo in madaxu uu ganacsi la sameeyo kooxda hubaysan. Si kastaba ha ahaatee, beegsiga dadka rayidka ah iyo kuwa ganacsiga la leh JNIM waa “si aan sharci ahayn oo aan kala sooc lahayn,” ayay tidhi HRW.

Qoraal X ah oo la soo dhigay Juun 23, ayay Afrika Corps ku sheegtay inay “duqeyn cirka ah ku qaadday goob ay isugu yimaadaan argagixisada” iyo in “dhowr taliye oo goobta ka tirsan la tirtiray”. Muuqaal la socday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa u muuqday inuu muujinayo markii qaraxyadu ka dhaceen Kyrnia iyada oo dadku ay wareegayeen. Warbixinta HRW ayaa sidoo kale lagu xusay in Wasaaradda Difaaca Ruushka ay sheegtay in ciidamadeedu ay adeegsadaan diyaaradaha dagaalka ee Su-24 si ay u duqeeyaan dagaalyahannada.

HRW waxay sheegtay inay si fog u wareysatay 19 qof, oo ay ku jiraan markhaatiyaal, ilo wareedyo militari oo Mali ah iyo saxafiyiin maxalli ah, iyadoo qayb ka ah baadhitaankeeda. Kooxda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale falanqeysay sawirrada dayax-gacmeedka iyo muuqaallada Afrika Corps ee ku yaal dhulka.

Rabshadaha kooxaha hubeysan ee ka dhacay Mali iyo dalalka deriska la ah ee Burkina Faso iyo Niger ayaa sababay kumanaan dhimasho ah tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ugu yaraan 2,260 dhimasho la diiwaan geliyay intii u dhaxaysay Janaayo iyo Maarso sanadkan oo keliya, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay. Dalalka ayaa eryay Faransiiska, oo markii hore taageeray, waxayna u jeesteen Ruushka.