Markab Ruush ah oo jebiyey cunaqabataynta ayaa gaadiid militari gaadhsiiyey Mali

0
9

Ciidamada Ruushka ee ku sugan Mali ee la dagaallamaya fallaagada waqooyiga Mali ayaa loo soo dejiyey tiro badan oo gaadiid militari ah waxaana siday markab xamuul ah oo dhinaca maray cunaqabatayntiiy, sida ay ogaatay BBC. Markabka siday ayaa 9-kii July ku soo xidhay deked ku taal Lome oo Togo ah, waxaana gaadiidka Milateri Mali lagu gaadhsiiyey dhinaca dhulka.Waxa la arkayey gawaadhi waaweyn oo xamaarsan hubka oo dhex maraya caasimadda Bamako, muuqaallo la xaqiijiyay ayuu baahiyay TV-ga dowladda Mali 25-kii July. Wariyeyaasha ayaa sheegay in kolonyada ay ka soo ambabaxeen dekedda Lomé ee Togo.

Markabka siday oo lagu magacaabo Mikhail Britnev, ayaa lagu arkay xogta raadraaca maraakiibta, sawirada dayax-gacmeedka ayaa u muuqda inay muujinayaan in markabku uu siday nooca gawaadhida gaashaaman iyo gawaadhida lugta ee fudud ee lagu arkay Bamako, sida ay sheegeen khubaradu. Xogta la socodka maraakiibta ayaa muujinaysa in Mikhail Britnev uu ka tagay dekedda Baltiysk ee Ruushka 18-kii Juun, uuna ka gudbay Badda Waqooyi ka hor inta aanu gelin Kanaalka Ingiriiska.

BBC Verify waxay fahansan tahay in markabka uu la socday markab dagaal oo Ruush ah oo noociisu yahay Ropucha. Wasaaradda Difaaca ee UK way diiday inay ka hadasho arrintan. Khubaradu waxay sheegayaan in gaadhsiinta la sameeyay ay muujinayso in Kremlin ay labanlaabeyso taageerada ay u hayso xukuumadda Mali ee talada haysa, taas oo dhowaan uu ruxay weerarka Fallaagada ay hoggaaminayeen kooxda Jihaadiyiinta ah ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) iyo gooni-u-goosadka Tuareg. Waxay ka qabsadeen dhul ballaadhan oo ku yaal waqooyiga.

Kremlin-ka ayaa taageeray dowladda militariga Mali tan iyo markii ciidamada Faransiiska ay ka baxeen dalka sanadkii 2022 , kooxaha Ruushka ayaa hela lacago caddaan ah iyo marin u helidda macdanaha iyo kaydka dahabka. Markii hore kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa la geeyay Mali, laakiin bedelay ciidamada Afrika ah, oo hoos yimaada wasaaradda difaaca Ruushka. Hore waxa loo xaqiijisay muuqaallo muujinaya cutubka Ruushka ah oo qaadaya weeraro cirka ah oo ka dhan ah ciidamada fallaagada , haddana weli waxay ku dhibtoodeen inay joojiyaan duullaanka kooxaha waqooyiga dalka.

Laakiin Charlie Werb, oo ah falanqeeye ka tirsan Aldebaran Threat Consultants, ayaa sheegay in markabkan cusub uu ka caawin karo ciidamada Mali iyo kuwa Ruushka inay dhistaan ​​​​xoog ku filan oo ay weerarro ugu qaadaan meelaha ay gacanta ku hayaan fallaagada. Markabka Mikhail Britnev waxaa cunaqabateyn ku soo rogay Maraykanka sanadkii 2024. Xogta la socodka ayaa muujineysa inuu damiyay qalabkiisa gudbinta ka dib markii uu soo maray Kanaalka laba toddobaad ka hor, wuxuuna dib u soo muuqday oo keliya markii uu isku diyaarinayay inuu ku xidho Togo.