Taageerada Ardayddu Waa Maalgashi Lagu Dhisayo Mustaqbalka Bulshada

0
31

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo laguna dhiirrigelinayo ardayda danyarta ah ee ku nool kaamamka barakacayaasha magaalada Hargeysa, Iyada oo qalab waxbarasho gaadhsiisay 516 arday oo wax ka dhigta dugsiyada hoose iyo dhexe ee Kaamamka Iimaan, Qalax iyo Digaale ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ballaadhinta fursadaha waxbarasho ee carruurta barakacayaasha ah si ay u helaan waxbarasho tayo leh oo la mid ah tan ay helaan dhiggooda kale.

Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu yareynayo caqabadaha hortaagan carruurta ku nool Kaamamka Barakacayaashas, kuwaas oo mararka qaarkood ay duruufaha dhaqaale iyo xaaladaha adag ee nololeed ay ka hor istaagaan ama ay ku adkaato in ay si buuxda u sii wataan waxbarashadooda. Bixinta agabka waxbarashada waxay ardayda siinaysaa dhiirrigelin iyo taageero ay ku sii wataan waxbarashadooda, Sidoo kale tallaabadani waxay kor u qaadaysa rejada ay ka qabaan mustaqbalkooda.

Maalgelinta waxbarashada carruurta nugul waa maalgelin lagu sameynayo mustaqbalka bulshada. Sidaa darteed y Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland waxay dadaal badangelisay sidii carruura ku nool kaamamka barakacayaashu ay u heli lahaayeen fursad ay ku gaadho himiladood, maadaama oo ay waxbarashadu tahay xuquuq aasaasi ah oo ay tahay in dhammaan carruurtu helaan, iyada oo aan loo eegayn xaaladda dhaqaale, meesha ay ku nool yihiin ama duruufaha ku xeeran.

Sidoo kale, Dadaallada lagu taageerayo ardaydan waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo sinnaanta fursadaha waxbarasho. Ilmo kasta oo helaya waxbarasho tayo leh wuxuu helayaa fursad uu ku horumariyo aqoontiisa, xirfadiisa iyo awoodda uu mustaqbalka kaga qayb qaadan karo horumarka bulshada. Sidaas darteed, tallaabada Wasaaradda Dib-u-dejintu waa mid muhiim ah oo mudan in lagu bogaadiyo wasaaradda,, iyadoo loo baahan yahay in la sii wado dadaallada lagu hubinayo in ilmo kasta uu helo fursad waxbarasho oo siman, tayo leh oo u horseedi karta nolol wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.