Wasaaradda Maaliyadda oo Qaaday Tallaabo Kale oo lagu Xoojinayo Maamulka Hantida Dawladda

0
56

Hargeysa (Dawan) MaaliyaddaWasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa qaaday tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo diiwaangelinta hantida ma-guurtada ah ee hay’adaha dawladda. Tallaabadani waxay muujinaysaa dadaalka Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta nidaamka maaliyadda guud iyo sidii loo heli lahaa hannaan casri ah oo lagu ilaaliyo laguna maamulo hantida qaranka.

Tallaabada ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ku daah-furtay tababarka lagu xoojinayo maamulka iyo diiwaangelinta hantida ma-guurtada ah ee hay’adaha dawladda Somalialnd waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa dadaalka lagu horumarinayo nidaamka maamulka maaliyadda guud. Maadaama oo Hantidu ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah kheyraadka qaranka, waxaa lagama maarmaan ah in si hufan, masuuliyad leh oo waafaqsan nidaamyada casriga ah loo maareeyo. Tababarkan oo lagu mideynayo hababka diiwaangelinta, qiimaynta, ilaalinta iyo dabagalka hantida dawladda wuxuu kaalin weyn ka qaadanayaa xaqiijinta in hantida qaranku yeelato nidaam cad oo lagu ilaaliyo laguna maamulo.

Ku dhaqanka habraacyada caalamiga ah ee xisaabaadka qaybta dawladda (IPSAS) ayaa sidoo kale ah tallaabo istaraatiiji ah oo sare u qaadaysa tayada warbixinnada maaliyadeed, wuxuuna xoojinayaa daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda. Tani waxay muhiim u tahay in la helo xog sax ah oo ku saabsan hantida qaranka, taas oo fududaynaysa qorshaynta iyo go’aan qaadashada.

Sidoo kale, ka qaybgalka masuuliyiinta maamulka hantida, saraakiisha wax-iibsiga iyo saadka ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda wuxuu muujinayaa in la doonayo in aqoonta iyo xirfadaha maamulka hantida lagu baahiyo dhammaan hay’adaha qaranka. Waxaa mudan in la bogaadiyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee ku wajahan casriyeynta maamulka hantida dawladda, maadaama nidaam hantiyeed oo wanaagsan uu yareyn karo khasaaraha, isla markaana uu si togan u ilaalinayo hantida qaranka, isla markaana sare u qaadi karo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dawladda.