Fox News “Hanjabaadda Xuutiyiinta oo Dawlada Maraykanka ku Riixi karta Aqoonsigga Somaliland”

0
27

“Berbera oo Noqonaysa Furaha Istaratiijiyadda Maraykanka ee Badda Cas iyo Gobolka”

 Johannesburg (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay Fox News ayaa lagu sheegay in khatarta sii kordheysa ee Xuutiyiinta ay Iran taageerto ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas ay Somaliland siinayso fursad cusub oo istaraatiiji ah. Warbixinta Fox News ayaa lagu sheegay in weerarrada Xuutiyiintu ay Maraykanka ku riixayaan inuu dib u qiimeeyo istaraatiijiyaddiisa Geeska Afrika, taas oo Somaliland ka dhigaysa lamaane amni oo muhiim ah.

Jeneraal hore oo Maraykan ah ayaa Fox News u sheegay in cadaadiska Xuutiyiintu uu Washington ku qasbi karo inay qaadato istaraatiijiyad cusub oo ku aadan Afrika, taas oo si weyn kor ugu qaadaysa muhiimada istaraatiijiga ah ee Somaliland. Warbixinta oo Wargeyska Dawan soo xigtay ayaa lagu sheegay in Somaliland ay yeelanayso door muuqda oo firfircoon. Arrintan ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland iyo halka ay kaga taallo Gacanka Cadmeed.

Warbixinta ayaa si gaar ah u xustay muhiimadda Dekedda Berbera, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed, una dhow marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandab. Sida lagu sheegay warbixinta Dekedda Berbera iyo garoonka diyaaradaha ee ku dhow ayaa Somaliland siinaya awood ay ku noqoto meel muhiim u ah amniga iyo isu-socodka maraakiibta caalamiga ah. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in Dekedda Berbera ay Washington siinayso fursad ay kaga hawlgasho ilaalinta maraakiibta, la socodka khataraha gobolka iyo xoojinta amniga marin-biyoodkan, haddii ay khatarta Xuutiyiintu sii korodho. Sida lagu xusay warbixinta arrintan ayaa Somaliland ka dhigaysa meel aan si fudud la isaga indho-tiri karin marka laga hadlayo mustaqbalka amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta in Somaliland ay muddo dheer ahayd dal nabdoon oo leh hay’ado amni oo awood u leh inay ilaaliyaan dhulkeeda iyo xeebteeda. Iyada oo xaaladda cusub ee soo wajahday Badda Cas ay dooddaas siinayso miisaan dheeraad ah. Sidoo kale waxa lagu xusay warbixinta in Somaliland ay haysato fursad ay ku muujiso muhiimaddeeda istaraatiijiga ah, iyada oo xiligan Maraykanku raadinayo saaxiibo lagu kalsoonaan karo iyo goobo istaraatiiji ah oo dheeraad ah.

Warbinta ayaa lagu soo gunaanaday in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo AFRICOM uu muujinayo in dhinaca amniga uu jiro is-dhexgal ballaadhan oo sii kordhaya. Iyada oo booqashooyinka saraakiisha Maraykanka iyo wada-hadallada amniga ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanku ay kor u qaadayaan doorka Somaliland ee qorshayaasha mustaqbalka ee gobolka Geeska Afrika. “Sidaa darteed, hanjabaadda Xuutiyiinta waxay beddelaysaa xisaabta amni ee Badda Cas, taasina waxay si toos ah u kordhinaysaa muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland,” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warbixinta Fox News.