Dowladda Australia oo hubka dib u iibsanaysa kadib weerarkii Bondi Beach

0
19

Gobolka ugu dadka badan Australia ayaa bilaabi doona qorshe dadka hubka dib looga iibsanayo hubka dabayaaqada sanadkan, isaga oo noqonaya kii ugu horreeyay ee bixiya lacag caddaan ah oo lagu beddelayo hubka ka dib weerarkii argagaxa ahaa ee Bondi Beach.

Mulkiilayaasha hubka ee New South Wales (NSW) waxaa la siin doonaa ilaa AUS$1,000 (£523) si ay u wareejiyaan qoryaha gacanta, qoryaha darandooriga u dhaca iyo qoryaha Rifles loo yaqaano, laga bilaabo 2da bisha Noofambar 2026.

Mas’uuliyiinta Australia ayaa ballan qaaday in dib u habeyn ballaadhan lagu sameyn doono sharciga hubka ka dib markii 15 qof lagu toogtay xaflad Yuhuudi ah oo ka dhacday Xeebta Bondi ee Sydney, oo ku taal NSW, bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha gobolka Chris Minns ayaa Sabtidii yidhi: “Waxaan rabnaa in hubkaas la soo gudbiyo, la magdhabo oo si nabad ah loo burburiyo.”

Wuxuu sheegay in tallaabadani ay keeni karto boqollaal kun oo qoryo ah oo is dhiiba.

Dib-u-habaynta lahaanshaha hubka ee ay dawladdu horey u soo bandhigtay waxay ka dhigan tahay in shakhsiyaadka ay yeelan karaan afar qori oo keliya – inkasta oo dadka qaar, sida beeraleyda iyo kuwa toogashada ciyaaraha, ay yeelan karaan ugu badnaan 10 qori.

Qorshahan waxaa la siin doonaa kuwa haysta hub ka badan inta uu ogol yahay shuruucda cusub, ama aan hadda haysan ruqsad – iyada oo shuruudaha laga dhimay shan sano ilaa laba sano.

Qorshahan waxaa lagu hirgelin doonaa laba marxaladood. Kan ugu horreeya – laga bilaabo bilowga Noofambar – wuxuu daboolayaa noocyada qoryaha gacanta lagu qaato, qoryaha darandooriga u dhaca iyo Rifles ama Rayfalada.

Tusaale ahaan, kuwa dhiiba qoriga waxaa la siin doonaa AUS$1,000, halka qoriga rayfalka ee cirka uu heli lagu bedelan doono AUS$450.

Wejiga labaad wuxuu bilaaban doonaa horraanta sanadka soo socda wuxuuna dabooli doonaa “hubka qiimaha sare leh” oo qiimahiisu ka sarreeyo AUS$3,000, oo lagu daray AUS$10,000.

Qorshaha Qaran ee Iibsashada Hubka waxaa si wadajir ah u maalgelinaya New South Wales iyo dowladda federaalka.

Ganacsiyada waxay awoodi doonaan inay helaan ilaa AUS$25,000 oo taageero ah si ay uga caawiyaan inay la qabsadaan dib-u-habaynta, iyada oo sidoo kale la siinayo caawimo ganacsatada hubka.

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa yidhi: “Waa inaan sameynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u hubinno in weerarkii argagixisada ee ka dhanka ahaa Yuhuudda ee Bondi uusan mar kale dhicin.”

“Taas waxaa ka mid ah dib-u-habayn macno leh oo ku saabsan hubka qaranka oo dhan.”

14kii Diseembar ee sannadkii hore, 15 qof oo ay ku jiraan gabadh 10 jir ah iyo qof ka badbaaday xasuuqii Holocaust ayaa la dilay xilli dabaaldegyada Hanukkah ay ka dhacayeen xeebta caanka ah ee Australia.

Mas’uuliyiinta Australia ayaa markii hore qorsheeyay in hub laga soo iibsado dalka oo dhan, inkasta oo qorshayaashu dib u dhaceen sababo la xidhiidha maalgelinta iyo su’aalaha ku saabsan sida loo hirgelin doono