Xuska Dhalashaddii Nebigeena (SCW) Waxyigii, Akhlaaqda Wanaagsan iyo Dhaxalkuu Ummada uga Tegay

0
25

Nebi Maxamed SCW waxa uu dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano Hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdi Mudalib oo ay ugu bishaaraynaysay dhalashada Nabiga SCW, Cabdi Mudalib waxa uu u qaaday kacbada oo uu ku soo wareejiyey, waxa uu u bixiyey magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin.

Waxaa Rasuulka SCW nuujisay Xaliima binti abi-du’ayd (Xaliimatul sacdiya) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe.Waxa jirtay caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd inay dumarku ka iman jireen baadiyaha oo ay iman jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujuuro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: “Annaga oo dumar badan ah ayaan magaalada Makka soo galay si aan carruur uga qaadanno, waxa loo soo bandhigay dumarkii oo dhan inay qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood way diideen waxaanay yidhaahdeen: “Maxaa ku samaynaynaa inanka agoonka ah”. Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: “Wiilkan agoonka ah ayaan qaadayaa”, isagiina wuu ka yeelay. Markii ay qaateen dameerkeedii socon waayey ayaa dameerradii kale ee dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: “Ha naga dheerayn”. Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yidhaahdeen xoolaha: “soo daajiya xoolaha meesha ay Xaliimo Sacdiya xooleheedu daaqaan’’.

Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisay hooyadiis Aamina, laakiin Xaliima Sadiya waxay codsatay inay sii hayso, Nabiga hooyadii Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna kula noqotay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jiray, isaga oo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isaga oo wiilal la ciyaaraya waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaas uu ku yidhi: “Tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa”, ka dib intuu maydhay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyaga oo ordaya u yimid reerkii oo ku yidhi: “Maxammed waa la dilay”, markaasay u yimaadeen isaga oo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasay reerkii go’aansadeen inay hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.

Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa markii uu lix sano gaadhay ayaa hooyadiis Aamina u socdaashay Madiina si ay u soo booqato qabrigii ninkeedii Cabdullaahi iyada oo ay la socdaan soddogeed Cabdi Mudalib gabadhii shaqaynaysay Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood way soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna way geeryootay, waxaana lagu aasay meel la yidhaahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhaxaysa. Halkaas ayuuna Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdi Mudalib oo aad u jeclaa una dhaqaalayn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed jirsaday ayuu awowgiisna geeriyooday, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-Daalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaaday adeerkiis Abii-Daalib oo uu la joogay ilaa uu ka hanaqaaday.

 

Markii uu 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-Daalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsaday adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yidhaahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin Raahib (suufi) oo lagu magacaabi jiray Baxiira waxa uu kula dardaarmay inuu ilaaliyo. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabay inuu buuraha Makka adhiga raaco.

Markii uu qaangaadh noqday wuxuu ku biiray ganacsiga iyo tujaarada isaga oo la shaqayn jiray Khadiija oo markuu 25 jirka noqday uu guursaday. Nebi Maxamed markii uu gaadhay 40 jir waxaa Godka xira ugu yimi Mal-kul Jibriil oo u soo waxyooday suuradii ugu horeeysay ee waxyiga, taasi oo ah Suuratu Al Iqra (“akhri”). Sadex sano ka dib, Nebi Maxamed wuxuu bilaabay inuu dadka ugu yeedho “Kali Ahaanshaha Ilaahay”, inay isu dhiibaan, taasi oo ahayd Islaāmnimo, iyo inay rumeeyaan Nebiga iyo Rasuulka Rabbi soo diray; arrintaasi oo dadkii deganaa magaalada Makkah ee tolka iyo qaraabada la ahaa ay ku gacan-saydheen isla markaana ku soo kiciyeen dagaal iyo weerar joogto ah.

Wakhti badan oo uu diinta ugu yeedhayay ka dib, nebiga waxa soo raacay oo rumeeyay dad tiro yar, kuwaasi oo dhibaato iyo ciqaab badan kala kulmay qabiilkii reer Quraysheed. Ka dib waxay keentay in nebigu ku amro intii raacsanayd(asxaabta) inay u hijroodaan ama qaxaan magaalada Madiina. Wakhti ka dib, Nebi Maxamed wuxuu mideeyay beelihii deganaa magaalada Madiina, kuwaasi oo Nebiga kala qeyb galay dagaalo badan oo guul iyo guuldaroba lahaa, sida Dagaalkii Beder iyo Dagaalkii Uxud. Sideed sano ka dibna, Nebi Maxamed iyo asxaabtiisii oo ahaa 10,000 oo nin waxay qabsadeed isla mar ahaantaana maamulka dawladii Islaamka ku soo dareen magaalada Makka. Halkaasna waxa hanaqaaday Islaamkii oo dunida ku faafay.

SIFADII RASUULKA SCW

Rasuulkeena Mohamed{scw} waxaa uu ahaa ka ugu waji qurux badan ilaahay qurux oo dhan ku manaystay ilaa ay saxaabadu odhan jireen waxaan umalayn jirnay in gobol Dayaxa ka mid ah.

Rasuulka SCW aamuskiisu wuu badnaan jirey, markuu hadlayana waxa uu ku hadli jirey hadal kooban oo xikmad ah oo Alle ka raali yahay, siduu Alleba ku caddeeyey Qur’anka.

Rasuulka SCW dabeecaddiisu aad ayey u wanaagsanayd dhinac walba, Alle ayaana meelo badan oo qur’aanka ka mid ah ku tilmaamay, waxaana ka mid ah aayaadka uu Rabbi ku tilmaamay tan. (Suurat Al-Qalam 4). Oo lagu yidhi ((WAXAAD KU SUGAN TAHAY AKHLAAQ WAYN)). Sidoo kale Caa’isha markii la waydiiyey waxa ay tidhi: “Nebiga dabeecadiisu waxa ay ahayd Qur’aanka”.

Nabi Maxamed SCW Waxuu ahaa mid aad u sama fal badan oo ixsaan sameeya, waxa uu xidhiidhin jiray Riximka waxuu u gargaari jiray qofka dhiban, waxa uu wax siin jiray qofka aan waxba haysan martidana wuu quudin jiray, qofkii dhibaato soo gaadhana wuu u gargaari jiray. Macaamilkiisa iyo samo falkiisa waxa ku soo Islaamay dad badan.

Rasuulka SCW dabeecaddiisii iyo akhlaaqdiisii wanaagsanayd waxaa noogu filan siiradiisa, aad ayuuna ugu wanaagsanaa dhinac walba hadday noqoto tawaaduciisii, xishoodkiisii, runtiisii, ammaanadiisii, suhdigiisii, ikhlaaskiisii, naxariistiisii, fahamkiisii, caqligiisii, geesinimadiisii, qiiradiisii u jilicsanaantii dadka muslimiiinta ah iyo ku ad adkaantiisii caniidiinta xaqa ka hor yimid.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 632 C.D billo yar ka dib markii uu ka soo noqday Xajkii la odhan jiray Xajul Wadaac isaga oo jooga magaalada Madiina ayaa Nebi Maxamed aad u xanuusaday waxyar ka dibna ku geeriyooday. Maanta waxa la inooga baahan yahay in aan raacno dhaxalkii uu inooga tegay ee ahaa Kitaabka iyo Sunihiisii si aan u badbaadno.