Madaxweynuhu Dalka Oo Dhan Ayuu Madaxweyne u Yahay” Wasiirka Gaashaandhiga

0
160

Burco (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka Maxamed Yuusuf Cali ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Siyaasiga Maxamed Muraad. Maxamed Yuusuf Cali oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco ayaa waxa uu sheegay in sharci darro yahay mudaharaadka uu ku baaqay Maxamed Muraad,isla, markaana wixii ka yimaada masuuliyadeeda uu qaadi doono.

Waxaana uu yidhi “Waxa aan kalmad iyo labo ka odhanayaa Maayarkii hore ee Magaalada Burco.oo caadaystay in cay iyo aflagaado duubo oo aanu u meel dayayn.sagaalkii sannadood ee uu magaalada Maayarka ka ahaana taariikhdiisa la hayo,waa ninkii sagaal cisho ka dib markii uu xilka baneeyay yidhi Burco labo maayar ayay yeelan doontaa,ilaa maalintaas waxa uu ka shaqaynayay kala qaybinta Magaalada Burco.waxaana uu la colyahay meesha uu ka soo jeedo ee hooyadii ahayd.markaa waa roorayaha Burco Xukuumadda iyo Wasiirada reer burco kalsooni ayay ku qabaan”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa Waxa uu yidhi “”Madaxweynuhu dalka oo dhan ayuu Madaxweyne u yahay meel ay kaga taalo dastuurka madaxweynuhu Jaamacadaha ha, yimaado ma, jirto.labo ninba waan la yaabaa waa muraad iyo Maxamed Cali daarood markii ay xilka baneeyeen waxa ay bilaabeen maag iyo buuq.waan ka xumahay in dhalinyarada u sheegaan wax aan jirin.ina Muraad waxa aan leeyahay mudaharaadka aad dhalinyarta ugu baaqday waa sharci darro,haduu dhaco waxa aan kuu balanqaadayaa cid aan adiga ahayn in aan loo qaban oo sharciga lagu hor geeyo,wixii ka yimaada adigaa ka masuula xeer loo maro ayuu leeyahay mudaharaadka Wasaarada arimaha gudaha ayaa looga soo qaataa sharci”.