Sida Dhibato Looga Bedel Guul!

0
8

Sanadkii 1941, injineerkii Swiss-ka ahaa George de Mestral ayaa buuraha dalkaasi ka soo lugeeyay isaga oo wata eygiisa. Markii uu soo noqday, waxa uu arkay iniinyo yaryar oo geedo ah oo si adag ugu dhegsan dharkiisa iyo dhogorta eygiisa.

Wuxuu is weydiiyay: “Sidee ayay iniintani qaabkan ugu dhegtay?”

Markii uu weynayso (mikroskoob) ku eegay, wuxuu ogaaday in iniintu ay leedahay qabsatooyin aad u yaryar oo ku dhegaya xadhkaha dunta dharka iyo dhogorta.

Fikraddaas ayuu ka sameeyay nidaamka maanta loo yaqaan Velcro. George de Mestral wuxuu fikraddaas kaga faa’iiday ganacsi weyn oo uu sameeyay

Waxa uu curiyay nooc macmal ah oo isla habkaas u shaqeeya. Ugu dambayn wuxuu helay nidaamkaas loo bixiyay “VELCRO”, oo Magaciisa laga soo gaabiyay velours (maro) iyo crochet (qabsato).

Faa’iidada uu ka helay waxay ahayd in Shirkaddiisa Velcro ay bilowday inay ka iibiso nidaamkan uu curiyay shirkado iyo warshado badan.

Waxa aad maanta dhib u aragto, ayaa laga yaaba haddii aad si weyn u fiirsato inuu ku noqdo curin iyo guul dhinaca nolosha