Warbixin “Somaliland oo Xoojinaysa Kalsoonidda Hay’adaha Maaliyadeed iyo Kobcinta Shilinka”
“Somaliland oo xoojisay Kaydka Lacagaha Qalaad casriyeynta nidaamka lacag-bixinta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah”
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay warbaahinta The Advocate Post ayaa lagu sheegay in Somaliland ay waddo dadaallo lagu xoojinayo nidaamkeeda dhaqaale iyo maaliyadeed, iyadoo mudnaanta la siinayo kor u qaadista kalsoonida hay’adaha maaliyadeed, hufnaanta maamulka kaydka lacagaha qalaad, casriyeynta kaabayaasha lacag-bixinta iyo kobcinta kalsoonida lagu qabo Shilinka Somaliland. Warbixintu waxay xustay in Somaliland muddo ka badan soddon sano lahayd hay’ado lacageed iyo maaliyadeed oo u gaar ah, iyadoo hadafku yahay in hay’adahaasi noqdaan kuwo sii xoojiya kalsoonida, hufnaanta, waafaqsanaanta heerarka caalamiga ah iyo xirfadda maamulka.
Qodobadan ayaa si weyn uga dhex muuqday waraysi gaar ah oo Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xamse Cabdirahman Khayre, uu siiyey The Advocate Post, kaas oo uu kaga hadlay jihada horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo qorshayaasha Bangiga ee sannadaha soo socda. Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ayaa sheegay in aqoonsiga maaliyadeed uu ka horrayn karo aqoonsiga siyaasadeed, isaga oo tilmaamay in labada arrimood ay xidhiidh leeyihiin, balse ay noqon karaan laba geeddi-socod oo kala duwan.
Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ayaa sheegay in aqoonsiga maaliyadeed uu ka horrayn karo aqoonsiga siyaasadeed, isaga oo tilmaamay in labada arrimood ay xidhiidh leeyihiin, balse ay noqon karaan laba geeddi-socod oo kala duwan. Waxa uu sheegay in hadafka Bangiga Dhexe yahay in kalsoonida lagu qabo hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland loo beddelo xidhiidh wax-ku-ool ah oo dalka ku xidha nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Istaraatiijiyadda Bangiga ayaa, sida uu sheegay, ku dhisan xoojinta u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah ee maaliyadda, hufnaanta maamulka kaydka lacagaha qalaad, casriyeynta kaabayaasha lacag-bixinta iyo kordhinta kalsoonida lagu qabo Shilinka Somaliland, iyada oo loo marayo xidhiidhada bangiyada wakiillada ah (correspondent banking), iskaashiga laba-geesoodka ah ee bangiyada dhexe, nidaamyada lacag-bixinta ee is-dhexgala iyo xoojinta tallaabooyinka ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada (AML/CFT).
Xamse Cabdirahman Khayre ayaa sheegay in marka la gaadho sannadka 2028 la doonayo in la arko horumar la cabbiri karo oo leh dhinacyo badan oo muhiim ah. Waxa uu tilmaamay saddex arrimood oo ay ka mid yihiin in la ballaadhiyo xidhiidhada bangiyada wakiillada ah, in la kordhiyo isku-xidhnaanta caalamiga ah ee nidaamka lacag-bixinta Somaliland iyo in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland la leeyihiin hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Waxa uu sheegay in hadafka guud uu yahay in nidaamka maaliyadeed ee Somaliland lagu qiimeeyo tayada hay’adihiisa, hufnaantiisa iyo kalsoonida uu abuuro.
Mid ka mid ah qodobada muhiimka ah ee waraysiga lagu soo qaaday ayaa ahaa maamulka kaydka lacagaha qalaad. Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in si cad loo kala saaro kaydka lacagaha qalaad ee Bangigu sida tooska ah u isticmaali karo iyo lacagaha qalaad ee ay leedahay Dawladdu ama loo hayo ujeeddooyin gaar ah. Iyada oo Bangiga Dhexe sidoo kale ku hawlanyahay samaynta hannaan hufan oo lagu soo bandhigo xogta kaydka, kaas oo qeexaya lahaanshaha, nooca kaydka, halka lagu hayo, heerka uu u fudud yahay in la isticmaalo iyo haddii ay jiraan wax xannibaad ah.
Guddoomiye Ku-xigeenku waxa uu sidoo kale ka hadlay mabda’a Bangiga Dhexe ee ku aaddan xoojinta isku filnaanshaha kaydka lacagaha qalaad. Waxa uu taageeray in la sameeyo hannaan cad oo lagu qiimeeyo isku-filnaanshaha kaydka, kaas oo ay ku jiraan heer istaraatiiji ah iyo bartilmaameed si tartiib-tartiib ah loogu kordhinayo awoodda kaydku u leeyahay inuu daboolo baahiyaha wax-soo-dejinta. “Ujeeddadu waa in kayd xooggan loo dhiso si waarta, iyada oo aan la xannibin wax-soo-dejinta muhiimka ah ama xawaaladaha, balse lagu xoojinayo dhoofinta, horumarinta qaybta maaliyadda, siyaasad maaliyadeed oo nidaamsan, maarayn wanaagsan oo suuqa lacagaha qalaad ah iyo kordhinta kalsoonida nidaamka maaliyadeed ee rasmiga ah.” ayuu yidhi.
Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale mudnaan siinaya hagaajinta nidaamka suuqa lacagaha qalaad iyo dhimista isbeddellada xad-dhaafka ah ee sarifka. Go’aannada la xidhiidha sarifka ayaa, sida lagu sheegay warbixinta, lagu saleeyaa xaaladda suuqa, sicir-bararka, kaydka lacagaha qalaad iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha. Bangigu waxa uu sidoo kale muhiimad siinayaa in ganacsatada, maalgashadayaasha iyo qaybaha kale ee dhaqaaluhu helaan xog sugan oo ku saabsan suuqa iyo tilmaamayaasha dhaqaalaha.
Sida lagu sheegay warbixinta, Bangiga Dhexe waxa uu waddaa qorshe lagu casriyeynayo nidaamka lacag-bixinta dijitaalka ah, iyadoo mudnaan la siinayo kaabayaal qaran oo isku xidha bangiyada iyo adeeg-bixiyeyaasha lacagaha moobilka. Sidoo kale, barnaamijka National Switch iyo kaabayaasha lacag-bixinta degdegga ah ayaa ka mid ah qorshayaasha lagu horumarinayo isku-xidhka nidaamka maaliyadeed. Bangigu waxa kale oo uu daraasaynayaa mustaqbalka lacagta Somaliland, iyadoo mudnaanta la siinayo xoojinta nidaamyada lacagaha elektaroonigga ah iyo horumarinta kaabayaasha jira.
Sidoo kale warbixintu waxay xustay in Somaliland ay doonayso inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo xoogga la saarayo u hoggaansanaanta heerarka iyo shuruudaha caalamiga ah. Bangiga Dhexe waxa uu mudnaan siinayaa dhisidda hay’ado iyo nidaamyo ay bangiyada caalamiga ahi ku kalsoonaan karaan, gaar ahaan dhinacyada ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, daahfurnaanta lahaanshaha shirkadaha, hubinta cunaqabataynta, kormeerka sarifleyda iyo xoojinta nidaamyada warbixinta iyo fulinta sharciga.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaanay in Bangiga Dhexe ka shaqaynayo xoojinta qaab-dhismeedka sharci iyo hay’adeed ee lagu ilaalinayo lacagaha ay dadweynuhu dhigtaan bangiyada, iyo sidii loo maareyn lahaa hay’ad maaliyadeed oo la kulanta dhibaato. Tallaabooyinkani waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu kordhinayo kalsoonida bulshada ee nidaamka bangiyada iyo adeegyada maaliyadeed ee dalka.
Warbixinta waxa kale oo lagu xusay in Bangiga Dhexe ee Somaliland uu xoogga saarayo xoojinta madaxbannaanida iyo xirfadda hay’adda, iyadoo la doonayo in si cad loo kala saaro masuuliyadaha Bangiga, Dawladda iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed. Ujeeddadu waa in siyaasadda maaliyadeed iyo tan lacagtu si isku-dubbaridan u shaqeeyaan, iyada oo la ilaalinayo xasilloonida qiimaha, kaydka iyo kalsoonida Shilinka Somaliland.




















