Somaliland oo Martigelisay Shirka EACC ee Iskuxidhka Horumarka Magaalooyinka Bariga Afrika

0
13

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland ayaa martigelisay Shirka Saddexaad ee East Africa City Corridor (EACC) Dialogue, oo lagu lafo-gurayay horumarinta, qorshaynta iyo isku-xidhka magaalooyinka Bariga Afrika. Shirka ayaa muhiimad gaar ah u lahaa in la xoojiyo wada-shaqaynta magaalooyinka iyo sidii koboca magaalooyinku uga dhalin lahaa fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur waara. Shirka oo halku-dhiggiisu ahaa “From Dialogue to Delivery: Planned Growth, Investment-ready Cities, and Jobs for Women and Youth” ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray koboca qorshaysan ee magaalooyinka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo oo waara, gaar ahaan kuwa haweenka iyo dhallinyarada.

Mawduucyada shirka ayaa xambaarsanaa muhiimad weyn, maadaama magaalooyinka Bariga Afrika ay si xawli ah u korayaan, taas oo u baahan qorsheyn fog, kaabayaal ku filan iyo siyaasado awood u siinaya magaalooyinka inay noqdaan xarumo dhaqaale oo soo jiita maalgashi iyo hal-abuur. Ka qaybgalka Maayarrada magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Jigjiga, Guddoomiyaha Degmada Wajaale, wasiirro, masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Soomaalida Itoobiya, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale ayaa muujinaya baaxadda iskaashiga looga baahan yahay horumarinta magaalooyinka iyo isku-xidhka gobolka.

Somaliland oo shirkan martigelisay waxay fursad u heshay inay soo bandhigto waayo-aragnimadeeda iyo fursadaha ka jira magaalooyinkeeda, gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo door muhiim ah ku leh dhaqdhaqaaqa dhaqaale, ganacsi iyo isu-socodka gobolka.

Haddaba, muhiimadda ugu weyn ee shirarka noocan ahi kuma eka oo keliya wada-hadal iyo is-dhaafsi aragtiyeed, balse wuxuu ahaa shir istaraatiiji ah oo xambaarsan ujeedooyin ballaadhan oo horumarineed, iyada oo diirrada lagu sarayo sidii talooyinka iyo qorshayaasha laga soo saaro loogu beddeli lahaa waxqabad muuqda. Halku-dhigga shirka ee ah “From Dialogue to Delivery” wuxuu si cad u tilmaamayaa sida ay shirkan uga go’an tahay in la gaadho gaadho mashaariic iyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo taabanaya nolosha bulshada.

Sidaa darteed shirkani wuxuu horseedayaa horumar ballaadhan oo la xidhiidha in si wadajir ah looga faa’iidaysto fursadaha jira, iskaashiga magaalooyinka Bariga Afrika, kaas oo suuro-gelin kara koboc dhaqaale, maalgashi cusub iyo shaqooyin badan, gaar ahaan kuwa haweenka iyo dhallinyarada. Sidaas awgeed, natiijada dhabta ah ee shirka ayaa laga filayaa waxqabad muuqda.