Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka Saddexaad ee East Africa City Corridors Dialogue (EACC), kaas oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, laguna gorfeeyay isku-xidhka magaalooyinka, horumarinta Kooridhoorrada iyo sidii fursadaha dhaqaale ee gobolka loogu beddeli lahaa horumar iyo barwaaqo wadaag ah.
Wasiir Khadar Xuseen Cabdi oo hadal ka jeediyay madasha furitaanka ayaa si diirran u soo dhaweeyay wufuudda caalamiga ah ee ka soo qayb galay shirkan, kuwaas oo isugu jiray wasiirro, maayarro iyo wakiillada magaalooyinka ku teedsan Kooridhoorrada Somaliland iyo Itoobiya, masuuliyiinta sare ee dawladda, bah-wadaagta horumarinta, wakiillada ganacsatada gaarka loo leeyahay, jaamacadaha iyo bulshada rayidka ah.
Wasiirku waxa uu sheegay in shirka oo halku-dhiggiisu yahay “From Connectivity to City Prosperity” uu muhiim u yahay sidii waddooyinka, dekedaha iyo xuduudaha loogu beddeli lahaa ganacsi, shaqo-abuur, maalgashi iyo fursado dhaqaale oo wax ku ool ah. Waxa uu tilmaamay in xilli amni-darro iyo caqabado kala duwan ay carqaladaynayaan ganacsiga caalamka, korna u qaadayaan kharashaadka gaadiidka iyo caymiska, ay Geeska Afrika muhiim u tahay inuu ka faa’iidaysto goobtiisa juqraafiyeed si uu u abuuro adkaysi dhaqaale, fursado cusub iyo barwaaqo ku dhisan wadajir.
Wasiir Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Kooridhoorka Berbera uu Somaliland u yahay mudnaan istiraatiiji ah, iyadoo xukuumaddu doonayso in ay si weyn u horumariso marinkan muhiimka ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha gobolka oo tartan leh, kaas oo xoojinaya ganacsiga, soo jiishada maalgashiga, shaqo abuurka, isla markaana faa’iido u horseeda dalalka gobolka, magaalooyinka iyo bulshada Geeska Afrika.
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi waxa uu xusay in horumarinta Kooridhoorka Berbera ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dib-u-bilaabista wada-hadallada farsamo ee heer dawladaha ee ku saabsan ganacsiga iyo isu-socodka. “Danaha dhaqaale ee aynu wadaagno waa in loo beddelaa heshiisyo wax-ku-ool ah,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay Kooridhoorka u aragto fursad wadaag ah oo ay ka faa’iidaysan karaan ganacsatada labada dhinac.
Wasiirku waxa uu sheegay in hadafku yahay in la horumariyo nidaam dhaqaale oo isku xidhan, kaas oo isku keena Dekedda Berbera, Aagga Dhaqaalaha Berbera, Kooridhoorka Berbera, magaalooyinka Somaliland iyo suuqyada Itoobiya. Waxa uu soo jeediyay in la sameeyo madal ganacsi oo isku xidha ganacsatada, shirkadaha gaadiidka, adeeg-bixiyeyaasha saadka, hawl-wadeennada dekedaha, hay’adaha maaliyadeed iyo maalgashadayaasha Somaliland iyo Itoobiya. Madashan, sida uu sheegay, waxay gacan ka geysan kartaa aqoonsiga caqabadaha jira, dhisidda iskaashiyo cusub iyo soo jeedinta xalal wax-ku-ool ah oo kor loogu qaadayo hufnaanta iyo tartanka Kooridhoorka.
Dhanka kale, Wasiirku waxa uu xusay in Somaliland ay muddo ka badan toban sano lahayd Guddiga Horumarinta Kooridhoorka Berbera, isaga oo sheegay in marka ay xaaladdu saamaxdo la qorshaynayo in loo gudbo dhismaha Maamulka Kooridhoorka Berbera, oo ay taageeraan xarumo xuduudeed oo adeegyo badan lagu bixiyo, nidaamyada dabagalka xamuulka iyo guddiyo hawlgal oo wadajir ah.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta iyo DP World maalgashiga ay ku sameeyeen Dekedda Berbera iyo guud ahaan Kooridhoorka. Waxa uu sheegay in magaalooyinka ku teedsan Kooridhoorku ay u baahan yihiin qorshayn magaalo oo istiraatiiji ah, kaabayaal ku filan iyo jawi u saamaxaya maalgashiga iyo koboca ganacsiga, si ay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee ka dhalanaya horumarinta Kooridhoorka.
Wasiir Khadar ayaa ka qaybgalayaasha ku dhiirrigeliyay inay doodaha shirka ku saleeyaan xalal wax-ku-ool ah, isla markaana si wadajir ah loo aqoonsado caqabadaha hortaagan Kooridhoorrada iyo tallaabooyinka looga gudbi karo. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay hiigsanayso Kooridhoor isku xidha dalal, magaalooyin iyo bulshooyin, xoojiya xidhiidhka dadka iyo dadka, isla markaana ka qayb qaata xasilloonida iyo is-dhexgalka gobolka.
Ugu dambayn, Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu carrabka ku adkeeyay in xilli isbeddello waaweyni ka socdaan Badda Cas iyo Geeska Afrika ay lagama maarmaan tahay in juqraafiyadda loo beddelo isku-xidhnaan, isku-xidhnaantana loo beddelo fursad dhaqaale, fursadda dhaqaale-na loo beddelo barwaaqo wadaag ah. Wasiir Khadar Xuseen Cabdi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo si rasmi ah u iclaamiyay furitaanka Shirka Wadahadalka Kooridhoorrada Magaalooyinka Bariga Afrika (EACC).




















