Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa sheegay in dhagax-dhigga Rugta Booliska ee Xaafadda Daami uu ka mid yahay qorshaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee lagu xoojinayo amniga iyo adeegyada bulshada.
Wasiirku wuxuu sheegay in mashruuca ay iska kaashanayaan Booliska, Dawladda Hoose iyo hay’adaha ay khusayso, isagoo ku ammaanay Taliyaha Booliska dadaallada lagu horumarinayo xarumaha amniga.
Wuxuu sidoo kale shaaciyey in marka Rugta Daami la dhammeeyo la qorsheynayo saldhig weyn oo u adeega degmada Gacan-libaax.
Waxaanu yidhi. “Rugta Booliska Daami waa fariin uu Madaxweynuhu yidhi hala fuliyo, qorshuhuna xafiiska Madaxweynaha ayuu ka yimid.”
Duqa Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa ballanqaaday in Dawladda Hoose si buuxda uga qayb qaadan doonto dhismaha rugta iyo xoojinta amniga Daami, isagoo sheegay in xaruntu noqon doonto mid casri ah oo ka mid ah saldhigyada ugu quruxda badan caasimadda.
Waxaanu yidhi.“Waxa Dawladda Hoose ahaan nalaga baahan yahay diyaar ayaan u nahay, waxaana doonaynaa in rugtani noqoto mid si wanaagsan ugu adeegta bulshada.”
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa isna xaqiijiyey in Boolisku masuul ka yahay hirgelinta dhismaha Rugta Daami, isagoo ballanqaaday in loo dhisi doono si casri ah, tayo iyo qurux leh, si ay uga qayb qaadato sugidda amniga iyo adeegga bulshada.
Waxaanu yidhi “Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Boolisku waxay ballanqaadayaan in Rugta Daami loo dhiso sida ugu quruxda badan, si ay ugu adeegto bulshada weyn ee xaafadda.”




















