Baanka Dhexe oo Dedaal Badan ku Bixiyay Dhismaha Nidaam Maaliyaddeed oo Casri ah

0
13

Hargeysa (Dawan) Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xasilloonida maaliyadeed ee dalka, laguna horumarinayo nidaamka caymiska dhigaallada. Tallaabadani waxay muujinaysaa jihada cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland ku wajahayo dhismaha hay’ado maaliyadeed oo awood leh, hufan, isla markaana ku shaqeeya hannaan wax ku ool ah oo casri ah lana jaanqaadaya nidaamyada caalamiga ah.

Horumarka dhaqaale iyo maaliyadeed ee dal kastaaba wuxuu ku dhisan yahay hay’ado awood u leh inay ilaaliyaan kalsoonida shacabka, xoojiyaan nidaamka bangiyada, isla markaana abuuraan jawi maaliyadeed oo deggan oo la isku halayn karo. Sidaas awgeed, dadaalka Baanka Dhexe ee Somaliland ku bixinayo dhismaha nidaamka caymiska dhigaalladu waa tallaabo mudan in si gaar ah loo bogaadiyo.

Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Hay’adda Central Deposit Insurance Corporation (CDIC-Taiwan) ayaa yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga labada hay’adood, kaas oo salka ku haya Is-afgaradkii (MOU) ay hore u kala saxeexdeen 18-kii Juun 2026. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta nidaamka caymiska dhigaallada Somaliland, taageerada farsamo ee CDIC-Taiwan siin karto Baanka Dhexe, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha shaqaalaha, iyo dhisidda awoodda hay’adeed ee Baanka Dhexe.

Iskaashigan wuxuu muujinayaa in Somaliland ay si qorshaysan ugu tallaabsanayso dhismaha nidaam maaliyadeed oo casri ah. Is-afgaradkii iyo heshiiskii hore u dhexmaray labada hay’adood iyo qorshaha cusub ee fulineed waxay tusaale u yihiin sida iskaashi farsamo, tababar iyo is-weydaarsi aqooneed loogu adeegsan karo horumarinta awoodda hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Sidoo kale waxa mudan in si gaar ah loo xuso in Baanka Dhexe ee Somaliland si qoto-dheer u fahamsan yahay in dhismaha hay’ad xooggan aanu ku koobnayn sharci iyo nidaam oo keliya, balse uu u baahan yahay aqoon, khibrad, tababar joogto ah iyo shaqaale xirfad leh. Sidaas darteed, taageerada farsamo iyo is-weydaarsiga khibradaha ee CDIC-Taiwan waxay door muhiim ah ka qaadan karaan dhismaha awoodda Baanka Dhexe iyo horumarinta nidaamka caymiska dhigaallada.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey qorshe fulineed oo hal sano ah, kaas oo qeexaya hawlaha mudnaanta leh, dhinacyada iskaashiga farsamo iyo jadwalka lagu fulinayo qorshaha hawleedka. Qorshahani wuxuu taageerayaa horumarinta nidaamka caymiska dhigaallada, gaar ahaan dhinacyada farsamada, shuruucda, is-weydaarsiga aqoonta, tababarka shaqaalaha iyo kor-u-qaadista awoodda hay’adeed ee Baanka Dhexe.

Sidoo kale Nidaamka caymiska dhigaalladu wuxuu muhiim u yahay ilaalinta kaydka shacabka iyo xoojinta kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan hay’adaha maaliyadeed. Marka la helo hannaan cad oo ilaaliya dhigaallada shacabka, waxay kor u qaadi kartaa kalsoonida nidaamka bangiyada, waxayna qayb ka noqon kartaa xasilloonida guud ee nidaamka maaliyadeed.

Waxa kale oo bogaadin mudan in Baanka Dhexe uu arrintan u arko qayb ka mid ah xasilloonida maaliyadeed iyo xoojinta hawlaha kormeerka bangiyada. Tani waxay muujinaysaa in Baanku aanu ku koobnayn oo keliya hawlaha maalinlaha ah ee nidaaminta bangiyada, balse uu eegayo baahiyaha mustaqbalka fog ee nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.

Kulanka waxaa dhinaca Baanka Dhexe hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Yaasiin Jaamac Axmed, waxaana ku wehelinayey saraakiil sare oo ka tirsan Baanka Dhexe ee Somaliland. Sidoo kale Dhinaca CDIC-Taiwan waxaa kulanka hoggaaminaysay Ms. Yvonne Fan, oo ah Ku-xigeenka Madaxa Sare ee Fulinta CDIC-Taiwan, waxaana la socday saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda caymiska dhigaallada ee Taiwan.