Washington, D.C. (Dawan) Xildhibaan Brian Mast oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa sheegay in Somaliland ay fursad u tahay dawaladdas Mareykanka, taas oo gacan ballaadhan ka geysanaysa inuu xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga uu la leeyahay saaxiibada dimuqraadiga ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay tahay fursad istaraatiiji ah oo uu kaga hortagi karo saameynta sii kordheysa ee Shiinahauhu u leeyahay gobolka.
Xildhibaan Brian Mast ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu ku daabacay bartiisa internetka ee X,. Xildhibaan Brian Mast wuxuu ku dooday in Mareykanku aanu iska indho-tiri karin Somaliland oo ka mid ah waddamada uu la wadaago qiyamka siyaasadeed, iyo dimuquraadiyadda, gaar ahaan dalalka ku yaalla goob istiraatiiji ah.
Mast wuxuu ku tilmaamay Somaliland waddan dimuqraadi ah, isaga oo si cad u muujiyay aragtidiisa siyaasadeed ee ku saabsan Somaliland. Waxaanu ku baaqay in Mareykanku xoojiyo isla markaana sii qoto-dheereeyo xidhiidhkiisa Somaliland kaas oo uu sheegay in uu gacan weynka geysanayo dadaallada Mareykanka ee lagaga hortagayo saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee gobolka. Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in Somaliland ay leedahay goob istiraatiiji ah, gaar ahaan marka laga eego muhiimadda gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.



















