Washington, D.C. (Dawan) Warbixin cusub oo ay baahisay warbaahinta POLITICO ayaa lagu sheegay in Somaliland ay caalamka u muujinayso inay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muhiim ah ka qaadan kara amniga Bariga Dhexe iyo Badda Cas, gaar ahaan marka la eego goobteeda juquraafiyadeed ee a ay kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah ee isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
POLITICO waxa kale oo ay warbixinteeda ku xustay in Somaliland ay sidoo kale isu soo bandhigtay inay tahay tiir muhiim u ah dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida gobolka iyo ka hortagga khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah, sidoo kalena ay door ballaadhan ka qaadan karto
karto difaaca xasiloonida marinadda ganacsiga ee muhiimka ah.
Warbixintan cusub ee lagu daabacay warbaahitna caalamiga ah ee Politico oo uu Wargeyska Dawan soo xigtay waxa kale oo lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku doodayso in ay tahay lamaane caalami ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana laf-dhabar u noqon karta xasiloonida mandaqada, isla markaana goobteeda juqraafiyeed, xeebteeda dheer iyo dekedda Berbera ay u saamaxayaan inay door muuqda ka qaadato sugidda amniga Badda Cas iyo ilaalinta isu-socodka maraakiibta ganacsiga.
Waxa kale oo warbixintu intaas ku dartay “Somaliland, oo doonaysa inay noqoto dal madax-bannaan, ayaa toddobaadkan Washington ka wadda dadaal cusub oo ay ku doonayso in Mareykanka aqoonsado, iyadoo diiradda saaraysa doorka ay ka qaadan karto difaaca Badda Cas iyo ka hortagga maleeshiyaadka ay taageerto Iran.
Somaliland waxay sidoo kale leedahay deked heer caalami ah oo ku taal Berbera, waxaanay xidhiidh diblomaasiyadeed la leedahay dalalka saaxiibka la ah Mareykanka sida Israa’iil iyo Taiwan, waxayna si toos ah ugu taallaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan uguna xasaasisan caalamka.” ayaa lagu yidhi warbixinta POLITICO.
Warbixintu waxa kale oo ay intaas raacisay “Markan, goobteeda juqraafiyeed ayaa Somaliland ka caawisay inay ku dooddo doorka ay ka qaadan karto sugidda marin-biyoodka muhiimka ah xilli ay jiraan weerarro ay kooxda Xuutiyiintu ku hayso marinka Bab al-Mandeb. Sidoo kale, Joshua Meservey oo ka tirsan machadka Hudson Institute oo u janjeera dhanka muxaafidka ayaa sheegay in doodda ku saabsan muhiimadda Somaliland ay sii xoogeysanayso sanadba sanadka ka dambeeya, iyadoo laga duulayo xasilloonida iyo taageerada ay u hayso Reer Galbeedka.”



















