Somaliland iyo Taiwan oo Xoojinaya Iskaashigga Arrimaha Gudaha!!!

0
20

 

Taipei (Dawan) Somaliland iyo Taiwan ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dawladda, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Mudane Cabdalle Maxamed Carab uu kulan la yeeshay dhiggiisa Taiwan Liu Shyh-fang, iyadoo labada dhinac ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac, loona mataanayn lahaa labada Wasaaradood ee Arrimaha Gudaha.

Kulanka oo ka dhacay Taiwan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo kobcin lahaa wada-shaqaynta labada Wasaaradood, gaar ahaan dhinacyada khuseeya arrimaha gudaha, amniga iyo maamulka, iyadoo la isla eegay fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga hay’adaha.

Wasiir Cabdalle Maxamed Carab ayaa dhiggiisa Taiwan si faahfaahsan ugu soo bandhigay qaab-dhismeedka iyo waajibaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, isaga oo sharaxay doorka ay ku leedahay maamulka dalka iyo amniga bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Taiwan Liu Shyh-fang iyo masuuliyiintii kulanka ka qaybgalay ayaa Wasiirka uga mahadceliyey xogta iyo faahfaahinta uu ka bixiyey shaqada Wasaaradda Somaliland, iyaga oo sidoo kale muujiyey sida ay muhiim ugu tahay xidhiidhka iyo saaxiibtinimada labada dhinac.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Somaliland iyo Taiwan ay ku sii xoojinayaan xidhiidhkooda hay’adeed, iyadoo mataanaynta labada Wasaaradood ay abuuri karto hannaan wada-shaqayn oo joogto ah oo u dhexeeya masuuliyiinta iyo hay’adaha labada dhinac.