Berbera (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in si rasmi ah loo soo af-jaray is-afgaran-waa kooban oo u dhexeeyay shirkadda DP World iyo shaqaalahaha Dekedda Berbera, taas oo laga gaadhay xal dhammaystiran. Sidoo kale waxay ka digtay in la siyaasadeeyo arrimaha Dekedda Berbera oo ah marso caalami ah oo la tartamaysa dekedaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamka.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe), ayaa sheegtay in aanu jirin khilaaf u dhexeeyey shaqaalaha Dekedda Berbera iyo shirkadda DP World, balse uu jiray is-fahamwaa kooban oo hadda laga gaadhay xal dhammaystiran.
Wasiir Milgo oo arrintaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Shaqaalaha iyo shirkadda DP World wax khilaaf ah oo dhex maray ma jirin, balse waxay ahayd is-fahamwaa. Labada dhinacba waanu la kulannay, waxaana ka gaadhnay is-faham buuxa. Wixii farsamo ee u baahan in dib loo eego waanu isla eegaynaa, mar kalena waan wada fadhiisanaynaa.”
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera ayaa labada dhinac kulan wadajir ah kula yeeshay magaalada Berbera, kaas oo lagu soo afjaray is-faham-waagan shirkadda DP World iyo shaqaalaha Dekedda Berbera.
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa sheegay in arrintu ahayd is-fahamwaa u dhexeeyey shaqaalaha iyo maamulka DP World, balse si buuxda loo xalliyey kaddib markii la dhagaystay labada dhinac. Waxaanu yidhi. “Hawshaasi way dhammaatay, waanan ku faraxsanahay, shaqada Dekeddu maanta iyo shalay midna ma istaagin. Waxa uu ahaa is-maandhaaf soo kala dhex galay shaqaalaha iyo shirkadda DP World, dhammaan dhinacyadiina waanu kulannay, si fiicanna waanu u dhagaysannay, ugu dambaynna waanu dhamaystirnay.”
Cali Diiriye ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha Dekedda Berbera aan loo baahnayn in loo rogo dano siyaasadeed ama laga faafiyo xog aan sal lahayn, isagoo ku baaqay in cid kasta oo dhaliil qabtaa si toos ah uga hadasho.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa isaguna xaqiijiyey in arrintii shaqaalaha iyo DP World laga gaadhay xal, isagoo hoosta ka xariiqey ahmiyada ay leedahay in Dekedda Berbera looga shaqeeyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah. Waxaanu yidhi.“Is-afgaran waagii yaraa ee u dhexeeyey shirkadda DP World iyo shaqaalaheeda xalkeedii waanu dhamaystirnay. Dekedda Berbera waa deked caalami ah oo la tartamaysa dekedaha kale, sidaas darteed siyaasad loogama baahna; qof kasta shaqadii loo diray inuu qabsado ayaa muhiim ah.”
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in cid kasta oo arrimaha Dekedda Berbera ka hadasha ama farriin u marisa warbaahinta ay masuuliyadda hadalkeeda qaadanayso, isaga oo ku baaqay in shaqada dekedda laga ilaaliyo wax kasta oo carqalad ku noqon kara hawlaha caalamiga ah ee ay waddo.
Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe), ayaa meesha ka saartay jiritaanka khilaaf furan oo u dhexeeya labada dhinac, iyadoo sheegtay in arrintu ahayd oo keliya is-fahamwaa hadda xal laga gaadhay. Waxaaney tidhi. “Shaqaalaha iyo shirkadda DP World wax khilaaf ah oo dhex maray ma jirin, balse waxay ahayd is-fahamwaa. Labada dhinacba waanu la kulannay, waxaana ka gaadhnay is-faham buuxa, wixii farsamo ee u baahan in dib loo eego waanu isla eegaynaa, mar kale ayaanan wada fadhiisanaynaa.”
Masuuliyiinta ayaa ugu dambayn farta ku fiiqey in aanay jirin wax khilaaf ah oo hadda ka taagan Dekedda Berbera, isla markaana shaqadeedu si caadi ah u socoto, iyadoo wixii arrimo farsamo ah ee dhiman lagu dhammaystiri doono wada-hadallo dheeraad ah.



















