Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa wajahaysa xaalaadii ugu xumayd ee xanuunka Ebola, iyada oo dalkaas laga diwaan geliyay kiisaskii ugu badanaa ee taariikhda dhimashada xanuunkan. Tiradas dadka u dhintay cudurka ay la sheegay in ay gaadheen in ka badan 4,000 qof. Dowladda ayaa sheegtay in kiisas ka badan 8,300 oo Ebola ah laga xaqiijiyay toddobo gobol, xilli dadaallada lagu xakameynayo cudurka ay caqabado kala duwan wajahayaan.
Dedaalada caafimaad ee lagula tacaalayo xakamaynta cudurkan ayaa la sheegay in ay la kulmayaan caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin kaabeyaasha caafimaadka oo liita, goobaha uu cudurku ku badan yahay oo fogfog iyo colaadaha hubeysan ee dalkaas ka jira. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in xarun ku-meelgaadh ah oo lagu daaweynayay bukaannada Ebola uu dab qabsaday, taas oo sababtay in ku dhowaad 19,000 qof ay ka barakacaan deegaanka.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ka digtay in halista xanuunkan dib uga dilaacay dalka Congo ay wali adagtahay suurtagalnimada in la xakameeyo, inkastoo in ka badan 2,000 bukaan ah ay ka soo kabteen cudurka. WHO, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale sheegtay in halista cudurku ay weli taagan tahay. Waxay sidoo kale digniin ka bixisay caqabadaha ka dhashay kalsooni-darrada iyo cadhada ay bulshada qaarkeed u qabaan shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha dowladda.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxay sannadkan wajahaysaa dillaacii cudurka Ebola ee ugu weynaa uguna dhimashada badnaa taariikhda dalkaas, kaas oo uu sababay nooca Bundibugyo ee fayraska Ebola. Dillaacan ayaa si rasmi ah loo shaaciyay 15-kii May 2026, waxaana uu ku fiday toddobo gobol iyo 63 aag caafimaad. Soo laba-kaclaynta cudurka Ebola ee dalka DRC ayaa ah tii 17-aad ee taariikhda dalka, waxaana dillaacan uu si gaar ah uga dhashay nooca Bundibugyo ee fayraska.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in nooca Bundibugyo aanu weli lahayn tallaal ama daaweyn gaar ah oo si rasmi ah loogu ansixiyay, taas oo ka dhigaysa xakamaynta dillaaca mid ku tiirsan ogaanshaha degdegga ah ee kiisaska, go’doominta bukaannada, raadraaca dadka ay la xidhiidheen iyo bixinta daryeel caafimaad oo taageero ah. Sidaa darteed xaalada cusub ee Ebola ee Congo ayaa weli ah xaalad caafimaad oo walaac leh, iyadoo baaxadda cudurka iyo caqabadaha ka jira goobaha uu ku fiday ay adkeynayaan dadaallada lagu xakameynayo. Inkastoo bukaanno badan ay ka soo kabanayaan, haddana la’aanta tallaal ama daaweyn gaar ah oo loo ansixiyay nooca Bundibugyo waxay sii adkaynayaa xaalada caafimaad ee bukaanada.




















