Trump oo ku Hanjabay inuu Tallaabo Adag Ka Qaadayo Iiraan Hadday Ku Lug Yeelato Dhacdaddii Flydubai

0
13

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Iiraan ugu hanjabay weerar militari oo culus, haddii baadhitaannadu xaqiijiyaan inay ku lug lahayd dhacdadii ka dhacday duulimaadkii diyaaradda shirkadda Flydubai ee ku sii jeeday magaalada Tel Aviv. Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inay jirto suuragalnimo weyn oo muujinaysa in Iiraan ay ku lug lahayd dhacdada, inkasta oo aanay weli jirin natiijo rasmi ah oo ka soo baxday baadhitaannada socda.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa ii tilmaamay in uu aaminsan yahay in masuuliyadda weerarka diyaaradda Flydubai ay masuuliyadeedda leedahay Iiraan, isaga oo xusay in aragtidiisa ay ku salaysan tahay xogta uu helayo, balse waxa uu sheegay in arrinta si dhow loo baadhayo.  Arrintan ayaa dhacday xilli diyaaradda Flydubai ay ka duulaysay Dubai kuna sii jeedday Tel Aviv, iyadoo ay saarnaayeen 174 qof. Diyaaradda ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka Tabuk ee Sacuudiga, kadib markii la sheegay in duuliye-ku-xigeenku uu mindi ku weeraray kabtanka diyaaradda.

Diyaaraddu waxay hoos u dhacday ku dhowaad 5,000 oo mitir muddo hal daqiiqo ah, balse kabtanka oo dhaawacmay ayaa ku guulaystay inuu furo albaabka qolka duulista, taas oo u saamaxday qaar ka mid ah rakaabka inay gudaha u galaan oo ay joojiyaan ninka wax weeraray. Waxaa socda baadhitaano hor dhac ah oo la xidhiidha xaqiijinta sida arrintani u dhacday, balse Ilaa hadda, lama shaacin natiijo rasmi ah oo caddeynaysa sababta dhacdada ama cidda ka dambaysay. Israa’iil ayaa dhinaceedas dhacdada ku tilmaantay isku day weerar argagixiso, iyadoo sheegtay in ujeeddadu ahayd in waxyeello loo geysto xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, Flydubai ayaa hakisay duullimaadyadii u dhexeeyay Tel Aviv iyo Dubai, halka shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee El Al ay joojisay duullimaadyo qorshaysnaa oo lagu soo celinayay Israa’iiliyiinta ku sugan Dubai. Wasaaradda Gaadiidka Israa’iil ayaa sheegtay in weli aan la helin oggolaanshaha lagama maarmaanka ah ee Imaaraadka si loo fuliyo duullimaadyadaas.

Hanjabaadda Trump ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iiraan ay weli taagan tahay. Trump ayaa sidoo kale wareysi uu siiyay majaladda Time kaga hadlay suurtagalnimada in la xoojiyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan kadib doorashooyinka dhexe ee Maraykanka. Warar kale ayaa sheegaya in Pentagon-ku uu gobolka Bariga Dhexe u dirayo ciidamo iyo maraakiib dheeraad ah, inkastoo faahfaahinta tallaabooyinka mustaqbalka ay weli ku xidhan yihiin xaaladda gobolka iyo natiijada baadhitaannada socda.