Hargeysa, (Dawan) Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay hoggaamin hufan iyo dadaal muuqda oo ku aaddan casriyeynta iyo horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dawladda, kaddib markii ay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ka daah-furtay hirgelinta Nidaamka Is-wada ee Maamulka Xogta Maaliyadda Somaliland (SLFMIS).
Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa himilada fog iyo qorshaha horumarineed ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland sida joogtada ah ugu dhisayo hannaan maaliyadeed oo casri ah, hufan, isla-xisaabtan leh, isla markaana ku shaqeeya xog sax ah iyo habraacyo nidaamsan. Sidaa darteed, hirgelinta SLFMIS ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ma aha oo keliya hirgelinta nidaam tiknoolajiyadeed, balse waa tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dib-u-habaynta maamulka maaliyadeed ee hay’adaha dawladda, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu muddooyinkii u dambeeyey xoogga saartay.
Nidaamkan ayaa Cisbitaalka u saamaxaya in si isku-dhafan oo casri ah loo maareeyo miisaaniyadda, dakhliga, kharashaadka, lacag-bixinta, iibka iyo qandaraasyada, mushaharka shaqaalaha, hantida, kaydka, iyo diyaarinta warbixinno maaliyadeed oo sax ah oo waqtigooda ku yimaadda. Waxa xusid mudan in Wasaaradda Maaliyaddu ay nidaamka SLFMIS u fidinayso dhammaan Cisbitaallada Dawladda ee ku kala yaalla lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland, taas oo muujinaysa baaxadda qorshaha iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in nidaamka maamulka maaliyadda laga hirgeliyo dhammaan hay’adaha dawladda.
Guusha mashruucan waxa saldhig u ah shaqo qorshaysan oo ay Wasaaraddu xoogga ku saartay dib-u-habaynta habraacyada shaqada (Business Process Re-engineering – BPR), diyaarinta iyo habaynta xogta maaliyadeed, tababarka shaqaalaha iyo waafajinta nidaamka shuruudaha Maamulka Maaliyadda Dawladda (PFM). Muddo 25 maalmood ah oo hawsha diyaarinta iyo hirgelintu socotay, Wasaaradda Maaliyaddu waxay muujisay awoodda ay u leedahay in ay si nidaamsan u hirgeliso mashaariicda casriyeynta maaliyadda, iyadoo isku daraysa tiknoolajiyada casriga ah, tayaynta shaqaalaha iyo dib-u-habaynta habraacyada shaqo.
SLFMIS waxa uu sidaas ku noqonayaa mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maaraynta xogta maaliyadeed ee hay’adaha dawladda. Sidoo klae, hirgelinta nidaamkan ayaa muujinaysa in Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay si joogto ah ugu hawlan tahay dhisidda nidaam maaliyadeed oo la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah, kaas oo fududaynaya go’aan-qaadashada, xoojinaya isla-xisaabtanka, isla markaana kor u qaadaya waxtarka adeegyada dawladda.
Sidaa darteed, tallaabada ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa lagaga daah-furtay hirgelinta Nidaamka Is-wada ee Maamulka Xogta Maaliyadda Somaliland (SLFMIS) waxa ii astaan u yahay jihada cusub ee maamulka maaliyadeed ee Somaliland, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu sii xoojinayso doorkeeda hoggaamineed ee dib-u-habaynta iyo casriyeynta nidaamka maaliyadda qaranka.




















