Firstpost: “Xiisaddaha Gobolku Waxay Somaliland ku Dareen Xisaabaha Amni ee Dunida”

0
16

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta Firstpost ayaa lagu sheegay in tartanka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya quwadaha waaweyn ee caalamka iyo isbeddellada amni ee ka socda Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ay si isa soo taraysa u kordhinayaan muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah “Gacanka Cadmeed” oo ka soo horjeedda Yemen, isla markaana u dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb.

Warbixintan oo uu Wargeyska Dawan soo xigtay waxa kale oo ay tilmaantay in xeebaha Somaliland iyo goobta ay ku taallo ay muhiim u yihiin isku xidhka Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Sida lagu sheegay warbixinta, xaaladda amni ee sii xumaanaysa ee gobolka ayaa sare u qaadaysa muhiimadda istiraatiijiga ah ee goobaha ku dhow marinnadaas. Waxa kale oo lagu xusay in horumarka Xuutiyiinta ee dhinaca xeebaha Yemen iyo weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga ay sidoo kale si weyn indhaha caalamka ugu soo jeediyeen Gacanka Cadmeed iyo muhiimadda amniga marin-biyoodka.

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay ku tilmaantay dhinaca Afrika ee Gacanka Cadmeed, taas oo ka dhigaysa qayb muhiim ah oo ka mid ah xisaabaha amniga ee gobolka. Falanqaynta warbixinta, ayaa si cad u tilmaamaysa in Somaliland ay yeelan karto door caalami ah iyo kaalin istaraatiiji ah la xidhiidha ilaalinta maraakiibta, la socodka dhaqdhaqaaqyada badda, la dagaallanka dambiyada badda iyo iskaashiga amni ee gobolka.

Sidoo kale, Firstpost waxay xustay in marka ay kordhaan khataraha ka imanaya Yemen, Xuutiyiinta, kooxaha hubeysan iyo falalka burcad-badeednimadu, ay si weyn u muuqanayso baahida sii kordhaysa ee loo qabo iskaashi amni oo ku saabsan xeebaha iyo marinnada ganacsiga ee gobolka. Iyada oo xaaladani ay Somaliland u abuuri karto fursad ay ku muujiso muhiimadda ay ku leedahay amniga badda iyo ilaalinta marinnada ganacsi ee muhiimka u ah gobolka iyo dhaqaalaha caalamka.

Firstpost waxa kale oo ay tilmaantay muhiimadda ay Dekedda Berbera iyo goobta ay ku taallo u leeyihiin Somaliland. Iyada oo xustay in Dekeddu ay ku taallo meel istiraatiiji ah “Gacanka Cadmeed” una dhaw Bab Al-minded, taas oo siinaysa Somaliland faa’iido juqraafiyeed marka laga hadlayo ganacsiga iyo isku xidhka suuqyada caalamka iyo gobolka.

Sidoo kale waxa lagu xusay in haddii khataraha ka jira Badda Cas iyo marinnada ganacsi ee ku xeeran ay sii bataan, ay si dabiici ah u kordhayso baahida loo qabo marinno ganacsi oo kale iyo xarumo amni ah oo ku yaalla dhinaca Afrika ee Gacanka Cadmeed. Sidaa darteed, warbixintu waxay tilmaanay in muhiimadda Berbera aanay kaliya ku koobnayn dhinaca ganacsiga; balse ay yeelan kartaa muhiimad istiraatiiji ah oo la xidhiidha amniga badda, isku xidhka ganacsiga gobolka iyo ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah.

Guud ahaan, warbixinta Firstpost waxay muujinaysaa in isbeddellada amni ee ka socda Yemen, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay sare u qaadeen muhiimadda goobaha istiraatiijiga ah ee ku dhow marinnadaas. Iyada oo tilmaanay in Somaliland, oo Gacanka Cadmeed kaga taalla dhinaca Afrika, ay ku jirto goob juqraafiyeed muhiim ah oo si dhow ula xidhiidha xisaabaha iskaashiga caalamiga ah ee amniga badda, ganacsiga gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.