Tukhaan sababay in la baajiyo Duulimaad caalami ah

0
16

Duulimaad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Qantas, kaas oo Talyaaniga uga duuli lahaa Australia, ayaa Sabtidii la baajiyay kaddib markii diyaaradda ay ku bateen cayayaanka Tukhaanka. Duulimaadka la hakiyay kii ka horeeyay oo jimchihii ka duulay magalada Perth ee Austarlia isagoo ku sii jeeday magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Duulimaadka oo qaatay ku dhawaad 17 saacadood ayaa rakaabka qaar ka cowdeen in cayayaan uu qaniinayo sida uu ku warramay wargeyska Sydney Morning Herald.

Waxaa la sheegay in rakaabka la siiyay dawooyinka xasaasiyadda si loo yareeyo cuncunka ka dhashay qaniinyada, balse daawooyinkii ayaa dhammaaday. Diyaaradda oo neeceedu ahaa Boeing 787 Dreamliner ayaa laga joojiyay duulimaadyada si loogu sameeyo “nadiifin qoto dheer”, sida uu BBC u sheegay afhayeen u hadlay shirkadda Qantas.

“Waxaan si dhab ah uga raalli-gelinaynaa macaamiisheenna baajinta duulimaadkii Sabtidii ee Rome ilaa Perth, taas oo u saamaxday injineerradayada iyo kooxaha dayactirka inay diyaaradda ku sameeyaan nadiifin qoto dheer, kaddib markii dhibaato laga ogaaday kuraas tiro yar,” ayuu yiri afhayeenku.

Shirkaddu waxay intaas ku dartay in dhammaan macaamiishii ay arrintani saamaysay la siiyay hoy, isla markaana loo ballamiyay duulimaadyo kale muddo 48 saacadood gudahood ah laga bilaabo waqtigii ay markii hore safri lahaayeen.

Cayayaankan dhilqaha oo inta badan lagu arko sariiraha guryaha waa dulin yaryar oo aan baalal lahayn, kuwaas oo ku noolaan kara dharka, alaabta guriga iyo gogosha sariiraha. Qaniinyadoodu waxay keeni kartaa cuncun, balse caadi ahaan ma sababaan dhibaatooyin caafimaad oo daran, sida lagu sheegay bogga internetka ee Adeegga Caafimaadka Qaranka Britain (NHS).

Hababka lagula tacaalo waxaa ka mid ah in dhammaan gogosha sariiraha, dharka iyo agabka guriga sida daahyada in lagu dhaqo biyo kulul, dabadeedna lagu qalajiyo mashiinka dharka. Waxa kale oo agabkaas lagu ridi karaa bacaha balaastigga ah, laguna hayn karaa qaboojiye muddo saddex ilaa afar maalmood ah. Marka laga soot ago dhibatada Tukhaan ee diyaarada Qantas

Wax ka yar laba toddobaad ka hor dhacdo la mid ah ayaa laga soo sheegay dhowr adeeg oo tareenno ah oo ay maamusho shirkadda Southeastern ee dalka Ingiriiska kuwaas oo la baajiyay kaddib markii darawalladu ay cayayaankan ku arkeen qolalka ay tareennada ka wadaan. Sannadkii 2017, shirkadda diyaaradaha ee British Airways ayaa raalli-gelin siisay qoys ka safrayay Vancouver kuna socday London, kaddib markii xubnaha qoyska uu cayayaan si dhaqso ah u wad asaameeyey jirkooda intii lagu jiray duulimaad habeenimo ah.

Sidoo kale, shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa sannadkii hore wajahday dhibaato weyn oo sumcaddeeda dhaawacday, kaddib markii wargeyska New York Times uu sheegay dhowr kiis oo cayayaanka Dhilqaha ah oo la sheeegay in laga helay diyaaradaha shirkadda. Waxaa xilligaas sidoo kale jiray eedeymo sheegaya in shirkaddu aysan wax tallaabo ah ka qaadin dhibaatada.