Tirada ka Nool Mujahidintii Iyaga iyo Baabuurtii aannu ka Dirnay Djibouti Una Dirnay SNM

0
19

Hargeysa (Dawan) Dagaalkii Buuraha ee sannadkii 1984 wuxuu ahaa mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa halganka SNM, inkasta oo uu khasaaro naf iyo maalba ah keenay. Weerarkani waxa uu daaha ka rogay baahida degdegga ah ee ururku u qabay gaadiid iyo qalab culus, kuwaas oo lagama maarmaan u ahaa sidii loo sii wadi lahaa dagaalka.

Prof. Eid waxa uu xilligii halganka la shaqeynayey hoggaamiyeyaasha SNM, oo uu ka mid ahaa Mujaahid Colonel Aadan Shiine (AHUN), isaga oo kaalin muuqata ka qaatay hawlgalladii ay SNM ku wiiqday awooddii kalitaliskii Siyaad Barre. Wuxuu xusay in dadka reer Jabuuti iyo dawladoodu si weyn u taageereen halganka reer Somaliland. Ganacsatada reer Somaliland ee ku sugnaa Jabuuti ayaa maaliyad iyo agab ba u ururiyey SNM.

Warqaddii Degdega ahayd ee uga Timid SNM

Bishii January ee 1985, Prof. Eid waxa uu helay warqad degdeg ah oo ka timid SNM, taas oo uu soo qoray Mujaahid Colonel Aadan Shiine (AHUN), oo ahaa wasiirka ciidamada ee SNM. Warqaddaas waxa ku cadayd oo uu kaga dalbday Eid baahida loo qabo gawaadhi xamuul ah si loo fududeeyo hawlgallada SNM. Warqadda waxa Jabuuti ugu keenay Eid Mujaahid Haji Moxamed Farax ku magac dheera Haji Yaaxeen (AHUN), oo wakhtigaas caafimaad u joogay Jabuuti.

Warqadaas ka timid SNM waxa lagaga dalbaday Eid in uu ka hawl-galo sidii ay Baabuur xamuul ah ugu soo diri lahaayeen SNM, maadaama khibraddii dagaalkii Buuraha ay ka dhaxleen ay ka soo baxday in gaadiid la’aantii jirtay ay sababtay dhimashada rag badan oo ka mid ahaa halgamayaashii galay dagaalka Buuraha.

Prof. Eid iyo kooxdii SNM ee Jabuuti waxay bilaabeen olole ballaadhan oo lagu ururinayo gawaadhidaas, taas oo horseeday guulo wax ku ool ah. waxaana u suuro-gashay in ay 17 Gaadhi iyo 17-kii mujaahid ee waday ba ay u diraan SNM, isla-markaana ay geeyaan magaalada Diridhabe.

Professor Eid Ali Ahmed ayaa ka warramay arrimahaasi iyo sida ay ugu hirgashay iyada oo lagu jiray xilli xasaasi ah:-

“Mujahidintii iyo Baabuurtii aannu ka Dirnay Djibouti Una Dirnay SNM Dagalkii Buuraha Dabadii 1985”:

“Mudadii uu ururkii SNM dagaalka kula jiray dawladii kalitaliska ahayd ee Soomaaliya ee uu hogoominayay Siyaad Barre, dadka reer Jabuuti iyo dawladooduba waxay caawiyeen dadkii reer Somaliland. Dad badan oo reer Somaliland ah oo aan ka mid ahaa ayaa ganacsi midho dhal ah ka samaystay wadankaasi DJabuuti. Maalmahaasi iyo sanadaadaasi madaw Jabuuti may ahayn oo kaliya albaab u furan dadka Somaliland ku nool oo qudha ee waxa kale oo ay albaab u ahayd Mujaahidiintii SNM ee xaruntoodu ahayd Itoobiya. Maal badan ayay dadkii reer Somaliland ee laajiga ku ahaa Jabuuti u ururiyeen iyagoo markaasina ku dedaalay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Dawlada Jabouti inay taageero siiso urukii SNM.

SNM waxay gudo gashay weerar wayn bishii Oktober 1984kii weerarkaasi oo loo yaqaanay “Dagaalkii Buuraha”. Waa xaqiiq in dagaalyahano badan oo SNM ahaa ay ku naf waayeen dagaalkaasi, laakiin kalidii taliyihii awoodfa badnaa ayaa kumaan kun oo ciidamadiisa ah ku waayay dagaalkaasi, intii soo hadhayna way ka niyad jabeen inay la sii dagaalamaan SNM. Dagaalkaasi waxa uu dhisay niyadii iyo rajadii SNM waxaanu fursad u siiyay in SNM ay ka hesho khibrad khasaarahaasi wayn, inay si xoog ah isu urursadaan iyo inay xidhiidh la sameeyaan dadka reer Somaliland, iyagoo ku guulaystay taageeradooda. Haseyeeshee wakhtigaasi SNM waxay ku jirtay tababar manayna haysan wax hub ah oo culus iyo gaadiid. Dagaalkaasi SNM waxay isticmaaleen lugahooda taasi oo ay ku galeen dalka gudihiisa. Tani waxay ahayd atrin aad u adag inay ku dhiiradaan.

Hadaanu nahay kooxdii SNM ee joogtay Djibouti, waxaanu door wayn ku lahayn hawlgaladii SNM ee lagula dirirayay dawladii kalitaliska ahayd. Waxaanu maal iyo maskaxba gelinay hawladgaladii SNM gaar ahaan dhanka taakulaynta maaliyada iyo agabka kale ee ururku u baahnaa si uu u fuliyo hawlgaladii ka dhanka ahaa dawladii kacaanka. Bishii January ee sanadkii 1985, ayaa waxaa warqad deg deg ah aan ka helnay Mujaahid Colonel Adan Sheikh Maxamed Abdi (Aadan Shiine AHUN) oo ahaa wasiirka ciidamada ee SNM.

Mujaahid Colonel Aadan Shiine waxa uu warqadda uu noosoo qoray ku sheegay in ay deg deg ugu baahan yihiin gawaadhida xamuulka ah si hawlgaladoodu u guulaystaan. Waxa kale oo uu ku xusay warqada in baahida gawaadhida ay xaqiiqsadeen kadib Dagaalkii Buuraha (War of Mountains) ee ay la galeen ciidamadii dawladii kali taliska ahayd sannadkii 1984. Warqada waxaa Jabuuti iigu keenay Mujahid Haji Yaaxeen AHUN oo wakhtigaasi Jibuuti u yimid hawl caafimaad. Xaaji Yaaxeen intii uu ku sugnaa Jibouti, waxaa uu ila joogay gurigaya.

Mudadaasi aan halganka ku jirnay ee aan Jabuuti ku sugnaa, waxaan kala xidhiidhi jirnay hawlaha SNM Mujaahid Colonel Aadan Shiine iyo Mujahid Colonel Cbdillahi Askar – Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee – iyo Mujahid Colonel Moxamed Kahin Axmed. Kadib markii aanu helnay warqada ka socota Colonel Aadan Shiine AHUN ayaanu isla markiiba bilownay inaanu ka hawlgalno sidii aanu u raadin lahayn uguna diri lahayn gawaadhi xamuul ah xaruntii SNM ee Itoobiya. Qofkii ugu horeeyay ee naga aqbalay inuu gaadhigiisa u talaabiyo Itoobiya oo uu u geeyo SNM wuxuu ahaa Mujaahid Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni) AHUN. Waxaa kale oo ku soo biiray oo aqbalay dalabkayagii ahaa inay gawaadhidooda ula talabaan Itoobiya oo SNM kula hawlgalaan 16 kale oo Mujaahid oo markaa ku sugnaa Jabouti. Waxaan ku guulaysanay bishii April ee sanadkii 1985 inuu si guul ah ku hirgalo hawlgalkaasi aanu gawaadhida ugu diraynay ururkii SNM oo markaa saldhigoodu ahaa Itoobiya waxaanan u dirnay 17 Mujaahid iyo baabuurtoodi. Warqada waxa ii soo qoray Mujahid Aadan Shiine, xidhiidhka SNM-na waxaa noo hayay Maxamed Kaahin Axmed.

Sidaas ayaanu ku geynay baabuurtaasi Diridhabe oo ay kaga qayb galeen halgankii SNM, arrintaana waxa naga caawisay Dawladda Jabuuti oo xiligaas uu adxweyne ka ahaa Alle ha u naxariistee Xasan Guuleed Abti-doon oo si gaar ah latashaday Alle ha u naxaristee Wasir Axmed Hasan Liban (Guhaad) , waxaana si gaar ah arrintaa noogu suurto galiyey Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhtigaas haystay Intelligent-ka haddana ah madaxweynaha dalka Jabuuti .”

Todoba iyo tobankii (17) mujaahid ee gawaadhidaa u talaabiyay Itoobiya si guul ahna ugu geeyay SNM waxay ahaayeen:

  1. Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni)
  2. Aadan Cumar Cali Dheriq
  3. Gaaxnuug Axmed Faarah
  4. Cumar Cabdi Dhidar
  5. Cali Jaamac Naaleeye (Cali Gaab)
  6. Yaasiin Ismaaciil (Yaasin Xagato)
  7. Saleeban Aadan (Cadaani)
  8. Daahir Muuse Cali (Ismahaan)
  9. Maxamed Faarax Barre (Cagataar)
  10. Kayd Xirsi Dari
  11. Cabdi Sheekh
  12. Maxamed Warsame Faarah (Guray)
  13. Xusseen Cabdi Jiir (Ciiraale)
  14. Jaamac Cabdalle
  15. Maxamed Salaam Carabey
  16. Xusseen Dhuun Dheere
  17. Muuse Buuxsade.

Mujaahidiintaas, waxaa maanta ka nool Mujahid Saleeban Aadan (Cadaani) oo jooga Hargeisa, iyo l Mujahid Jama Abdella iyo Mujahid Husein Dhuun Dheere oo jooga Burao.

Sannadkii 2006 ayaa mar aan Hargeysa imid, waxaan kulan Qado Sharaf ah yeelanay 7 ka mida 17-kaa mujaahid anaga oo wakhti fiicana wada qaadanay maalintaasi. Kulankaasi Qado Sharafka oo noogu qabsoomay hudheelka Xaraf ayaa waxaanu ka sheekaysanay sida hawlgalkaasi u dhacay.

17-kaa mujaahid oo si geesimo leh hawlgalkaa u fuliyay waxaa hadda ka nool sedaxda mujuhaid . dhamaan intooda geeriyootay Allah (S.W.T) ha u naxariisto sedexda noolna Ilaahay cimri dherer iyo caafimaad ha siiyo. Gawaadhidaasi markay SNM heshay, waxay wax weyn ka tartay halgalnkii oo ay mooraalka iyo niyada mujaahidiinta kor u qaadey waxaana xusid mudan in hawlgalada SNM ay si xawli ah ku dhaqaaqeen.

Waa ayaanba ayaan Allahu Akbar Wa Lilahi Hamdi.

Mujaahid Professor Eid Alisalan Ahmed”