Badhasaab Ku Xigeenka Saaxil Iyo Madax-dhaqameed Loo Xidhay Dilkii Taliyihii Qeybta Booliska Saaxil

0
650

Berbera (Dawan):- Badhasaab ku xigeenkii gobolka Saaxil  Maxamuud Xuseen C/laahi iyo xubno kale oo isugu jira salaadiin, cuqaal iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay in shalay lagu xidhay magaaladda Berbera.
Sida ay  noo xaqiijiyeen  warar aanu ka helnay  magaaladda Berbera, badhasaab ku xigeenka  Saaxil  Maxamuud Xuseen C/laahi  ayaa shalay gelinkii dambe ciidamadda boolisku ay xabsiga u taxaabeen.   Inkastoo  aan la sheegin sababta dhabta ah ee ka dambaysay xadhigiisa.
Badhasaab Ku-xigeenka Saaxil waxa uu la socday Taliyihii la dilay, waxaanu markii dambe uu ku soo laabtay magaaladda Berbera ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay sidii sarkaalkaas la dilay loo soo weeraray.
Ilo looga qaateen ah ayaa DAWAN u xaqiijiyay in hadalkii Badhasaab Ku-xigeenku uu dhaliyay shaki ay baadheyaasha kiiskan u qaabilsan dawladda Somaliland ay ka muujiyeen qaabkii uu uga hadlay weerarkii lagu khaarajiyay Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Saaxil Salaasadii deegaanka Biyooley oo 50km dhinaca Bari kaga beegan magaalo xeebeeda Berbera.
“Halkan  (Berbera) ayaanu ka baxnay, isagaa markii hore loo soo sheegay dhibaatadan ka dhacday Tuuro dhibiijo oo qolooyin isku laayeen oo nabadgelyo darro ka dhacday gaadiidley iyo qolo beeralay ah. Hawshaas aynu   u baxno ayuu yidhi, xafiiska ayuu iigu yimid. Koowdii ayaanu baxnay.
Wax  cid ah oo meesha ku jirta oo aanu ogayna ma jirin, Xidhka yar ee biyooley ka sokeeya markaanu marayno ayaa waxa noo galay ciidan, rasaas ayaa la nagu bilaabay, gaadhigii aanu wadanay rasaas ayaa indhaha la nagaga bedelay, aniga madanays mooyee amarka Illaahay xabadi iguma dhicin, laakiin [askari] iga dambeeyay way ku dhacday.  isagana marxuumka dhinacaas bidixda ayay kaga dhacday” ayuu yidhi badhasaab ku xigeenka Saaxil oo doraad warbaahinta la hadlay kadib markii uu dilku dhacay.
Geesta kalena, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  xaqiijiyay in dhacdadan loo xidhay salaadiin iyo cuqaal ka soo jeeda deegaanka dableydan hubaysan. “Salaadiinta waxa loo xidhay waxa jirtay mar raggani dambi sameeyeen, waa odayaashii damiintay ee balanqaaday in aanay inamadaasi wax danbe samaynayn, markaa waxa ay ka soo bixi waayeen balantii ay qaadeen’’ayuu yidhi Cali Waran Cade oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa.
Si kastaba ha ahaatee, wararkii ugu danbeeyay ee xalay naga soo gaadhayay magaaladda Berbera ayaa sheegayay in xaaladda magaaladu ay degan tahay, iyadoo ay halkaasi gaadheen shalay gelinkii dambe weftii uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), iyo xubno Wasiirro ah.
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here