Golaha Khaliijka oo Xisbullah ku Daray Argagixisada

0
582

Lix waddan oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Gacanka, GCC, ayaa kooxda Xisbulah ku daray liiska argagixisada.
Waa talaabadii ugu danbaysay ee cadaadis lagu saarayo kooxda Shiicada ee Xisbulah, oo siyaasada Labnaan muhiim ka ah.
Bishii hore, Sacuudi Carabiya ayaa joojisay sadex bilyan oo dollar oo gaargaar ah oo ay siinaysay ciidanka Labnaan.
Dadka liiska lagu daray ayaa ah hogaamiyayaasha Xisbulah, dadka ka tirsan iyo kuwa xidhiidhka la leh.
Xoghayaha Golaha Iskaashiga Gacanka ayaa sheegay, in go’aanka la gaadhay sababtoo ah Xisbulah inay ka qoraysay dadka dhalinyarada waddamada Gacanka si ay weerar u qaadaan.
Xisbulah ayaa teegeerta madaxweyne Assad dagaalka Suuriya.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here