Hargeysa: Cusbitaal ku Guulaystay Qaliin Culus oo Markii ugu Horreysay Somaliland lagu Sameeyay

0
742

Hargeysa (DAWAN) Qaliin culus oo dhinaca wadnaha ah ayaa lagu sameeyay lixdan jir lagu magacaabo Ibraahim, kaasi oo uu xidhnaa xidid wadnaha mara, waxaana hawlgalka qaliinkaasi fuliyey Dr. Maxamed Mustafa oo ka hawlgala cusbitaalka Gargaar ee magaalada hargeysa.

Waa markii ugu horreysay ee qaliin dhinaca wadnaha ah lagu sameeyo gudaha Somaliland, sidoo kalena waa markii ugu horreysay ee lagu guulaysto qaliin noocan oo kale ah.

DAAWO:[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KH32AYdLw34]

Cusbitaalka Gargaar ayaa soo kordhiyey qalab iyo dhakhaatiir fulinaya qaliino dibedda loo tegi jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here