Masar oo daldashay nin si weyn loo doon-doonayay

0
483

Hargeysa (DAWAN) Xukuumadda Masar ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay, Hisham Ashmawi oo ahaa nin si weyn loogu raad joogay. Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in shalay oo arbaca ahayd la dilay Hisham Ashmawi.

Hisham Ashmawi oo ahaa sarkaal ciidan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo uu kamid yahay weerar lagu dilay ciidammada Masar sannadkii 2014-kii. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyay isku day la rabay in lagu dilo wasiirkii arrimaha gudaha Masar Maxamed Ibraahim sannadkii 2013-kii.

Hisham Ashmawi ayaa lagu qabtay dalka Liibiya kaddib markii ciidammada uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ay u gacan geliyeen Masar, maadama Janaraal Khaliifa Haftar iyo Masar uu ka dhexeeyo xidhiidh.

Ashmawi oo sidoo kale loo yaqaano Abu Cumar Al Muhaajir wuxuu ka tirsanaa ciidammada militariga u qaabilsan howlgallada gaarka ah balse shaqada ayaa laga caydhiyay markii la arkay inuu yahay qof mayal adag. Wixii xilliggaas ka dambeeyay, wuxuu ku biiray kooxda Jihaad-doonka ee ka dagaallanata gobolka Siinay.

Leave a Reply