Qore: Xuseen Adan Cige (Deyr):
Waxa jira isbeddel weyn oo ku yimid nabadda iyo diblomaasiyada Gobolka Geeska Afrika. Su’aasha xiisaha lihi waxa weeyi: Maxaa ka dhalan kara?
1) Hordhac:
Laga bilaabo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qabtay talada dalka Soomaaliya, waxa muuqda isbdel weyn oo ku yimid xaga nabada iyo diblomaasiyadda Gobolka Geeska Afrika. Isbedelladaasi waa kuwo la odhan karo dhammaantood waxay ka soo bilaabmeen ama asal ahaan ay ku arooraan Dalka iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Haddaba, arrimaha ka soo unkamay Soomaaliya ee saamaynta ku yeeshay nabada iyo hannaanka diblomasiyada Gobolka Geeska Afrika, (taasoo ay Waddamada Geeska Afrika ka bixiyeen dareeno kala duwan), waxa ugu mudan qodobada soo socda:
- Xulashadii M/weyne Xasan Sheekh ee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
- Xulashadii M/weyne Xasan Sheekh ee Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya.
- Safaradii M/weyne Xasan Sheekh uu ku tagay Imaaraatka, Turkiga, Eriteriya, Kenya, Masar, Djibouti iyo Tanzania; balse aanu safar ku tagin dalka Itoobiya.
- Nuxurka War-saxaafadeedkii ay wadajirka u soo saareen M/weyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Abdulfatax Sissi ee lagaga hadlay arrinta Biyaha Webiga Niilka oo ah arrin ay si weyn iskugu hayaan dalalka Itoobiya iyo Masar.
- Soo celinta xidhiidhkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya ee xagga dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku socodka bulshada iyo weliba ogolaanshihii qaadka Miraha suuqa Soomaaliya, taasoo sababtay in uu istaago qaadkii Itoobiya.
- Aqbalaadii M/weyne Xasan Sheekh uu aqbalay in Mukhtaar Roobow ka mid noqdo golaha Wasiiradda oo laga dhigo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, taasoo ay dunidu ka bixisay dareeno kala duwan.
- Weerarkii qorshaysnaa ee ay Xarakada Al-Shabaab ku qaaday Itoobiya, gaar ahaan Dawlad Degaanka Soomaalida, iyagoo duulaanka ka soo qaaday xagga Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bakool iyo Hiiraan.
2) Siyaasadda Xasan Sheekh iyo U-qaadan-waaga Itoobiya:
Arrinta Itoobiya haatan lama filaanka ku noqotay waxa weeyi in M/weyne Xasan Sheekh uu la yimaado hannaan siyaasadeed iyo go’aan qaadasho ka duwan kuwii ay Itoobiya ku taqaanay Madaxda Soomaaliya ee ay weliba iyaga u yeedhin jirtay. Itoobiya waxay dareensan tahay in M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wax-ka-bedel ku sameeyey saamayntii ay Itoobiya ku lahaan jirtay M/weyneyaashii talada Soomaaliya isaga dambeeyey 30-kii sano ee tagay.
Dabadeed Itoobiya waxay durbadiiba bilowday la macaamilka iyo xod-xodashada M/weyneyaasha maamul-goboleedyada ka dhisan Soomaaliya. Itoobiya si ay arrintaa u dar-dar geliso, waxay dhawaan booqasho rasmi ah ugu yeedhay Madax-weyneyaasha Maamul-goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed, kuwaasoo wada hadal fool-ka-fool ah la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Waxa xusid mudan in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed aanay hadda ka hor wax wada hadal ah ama xidhiidh ah la yeelan jirin maamul goboleedyada Soomaaliya, waayo waxa jiray isfahan wacan iyo saaxiibtinimo shaqsi ah oo u dhaxaysay Farmaajo iyo Abiy Ahmed. Danaha labada dalna waxa lagaga wada hadli jiray heerka labada Xukuumadood ee Federaalka ah.
Dhinaca kale, Dawladda Itoobiya, weligeedba way ka soo horjeeday, haatan iyo mustaqbalkana way ka soo horjeedi doontaa in ay Soomaaliya yeelato Dawlad si buuxda dadkeeda iyo dalkeedaba uga masuul ah. Itoobiya waxay cadow u aragtaa Dawlad Soomaaliyeed oo leh ciidan adag oo ku filan amniga gudaha iyo amniga dalalka deriska ah.
Haddaba, tallaabada uu qaaday Abiy Axmed ee uu xidhiidhka tooska ah kula yeeshay qaar ka mid ah Maamul goboleedyada ka dhisan Soomaaliya waxay noqonaysaa fal-celintii ugu horraysay ee ay Itoobiya kaga jawaabayso siyaasadda cusub ee uu qaatay M/weyne Xasan Sheekh.
Tallaabadan ay Itoobiya qaaday waxay u aragtaa sida keliya ee ay ku daciifin karto awoodda iyo saamaynta ay Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ku leedahay maamull-goboleedyada, isla markaana ay Itoobiya Soomaaliya gudaheeda uga fushan karto danaha ay leedahay ee xag amni, xag dhaqaale, xag siyaasadeed iyo xag isteratijiyadeed.
3) Xalka Gudahaagu wuxuu ku jiraa Xasarad aad ka bilowdo meel kale!!
Sida aynu la socono, Itoobiya afartii sano ee ugu dambeeyey waxay ku jirtay dagaallo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed oo aan hore u soo marin, kuwaasoo sababay burbur dhaqaale oo laxaad leh iyo awoodii ciidanka Itoobiya oo aad u liciifiyey. Taasina waxay sababtay in ay hoos u dhacdo saamayntii iyo muuqaalkii awoodeed ee ay Itoobiya hada ka hor ku lahaan jirtay Waddamada Geeska Afrika.
Haddaba, marka laga tago go’aamada siyaasiga ah ee uu qaatay Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida ay Itoobiya gebi ahaanba uga biyo-diiday siyaasadiisa cusub; weerarkii qorshaysna ee ay Xarakada Al-Shabaab ku qaaday Itoobiya, gaar ahaan Dawlad Degaanka Soomaalida, wuxuu food-saaro ama mar-marsiiyo u noqon karaa Fara-gelin Milatari oo hor leh oo ay Itoobiya ku samayso Soomaaliya, iyadoo yool ka dhigan karta gobollo ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed (Bakool) iyo Hiiraan oo ah aagagga ay Xarakada Al-Shabaab duulaanka ka soo qaadeen.
In kasta oo ay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed haystaan mushkilado is biirsaday iyo dagaalo sokeeye oo daba dheeraaday oo ka socda Itoobiya, in kasta oo uu Abiy Axmed lumiyey taageeradii iyo kalsoonidii soo jireenka ahaa ee Itoobiya ay ku lahaan jirtay Maraykanka iyo Reer Yurub, haddana hab-dhaqanada siyaasaddu waxay mararka qaarkood ina farayaan: “In Xalka gudaagu uu ku jiro xasarad aad ka bilowdo meel kale!!”
Haddaba,
- Marka la eego colaadaha ahliga ee ka holcaya dalka Itoobiya iyo sida ay Abiy Axmed ugu adkaatay inuu xal u helo qalalaasaha ka jira dalkiisa;
- Marka la eego tallaabooyinka siyaasiga ah ee uu qaaday M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida ay Itoobiya uga biyo-diiday;
- Marka la eego dareenka taban ee ay Itoobiya ka qaadatay kulankii ay wada yeesheen M/weyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Abdulfatax Sissi iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay;
- Marka la eego weerarkii ay Xarakada Al-Shabaab ku qaaday Itoobiya, gaar ahaan Dawlad Degaanka Soomaalida, iyo gacan saarka ay Al-Shabaab la yeesheen Jabhada OLA ee Oromia;
Sidaa darteed, arrimahan kor ku xusan oo dhammi waa kuwo dhamaantood Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ku dhiirri gelin kara in uu qaato aragtida ah: “Xalka gudaagu wuxuu ku jiro xasarad aad ka bilowdo meel kale!” Dabadeedna uu ku dhaqaaqo Fara-gelin Milatari oo uu ku sameeyo Soomaliya, si uu u wiiqo siyaasadaha M/weyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa cusub.
4) Gebagabo:
addaba, haddiiba ay dhacdo in Dawladda Itoobiya ay Fara-gelin Milatari ku samayso Soomaaliya, waxay sabab uga dhigi kartaa /doontaa labada arrimood ee soo socda:
- In aanay Soomaaliya ka dhisnayn Dawlad xil-kas ah oo awood u leh in ay sugto amniga gudaheeda.
- In Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku guuldarraysatay in ay sugto amniga xuduudaheeda iyo in ay dammaanad qaado nabada iyo xasiloonida Waddamada Deriska ah.




















