Komishanka Doorashooyinka oo la Kulmay Dhiggooda Kenya

0
279

Nariobi (Dawan)- Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee safarka shaqo ku jooga dalka Kenya si ay u ay uga qayb qaataan Kormeerayaasha caalamiga ah ee kor ka illaalinaaya doorashooyinka la filaayo inay ka ka dhacdo maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 9ka August 2022, ayaa shalay booqasho iyo kormeer ku tagay xarunta guud ee laga maamulayo doorashooyinka dalka Kenya ee loo yaqaano BOMAS-Kenya.

Intay xubnahani ku guda jireen shaqadooda ayaa waxaay la kulmeen xubnaha Komishanka iyo Guddoomiyaha Komishanka Kenya.

Saddex xubnood oo kamid ah waftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ka mida ah gobjoogayaasha caalamiga ah ee ka hawl-galaaya xarunta dhexe ee ay iskugu imanayaan natiijooyinka goobaha codeynta ee dalka oo dhan, isla markaana lagaga dhawaaqi doono Natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Xubnahan oo u hogaaminayey Commissioner Cabdicasiis Xirsi Warsame isla markaana ay wehelinaayeen Saed Mohamed H.Osman– Agaasimaha hawl-gelinta iyo qorsheynta(Director of Operattion/Planning) iyo Eng.Omar Osman Tani – Agaasimaha Diiwaangelinta iyo Tegnoolajiyada (VR/ICT Director) ayaa xarunta dhexe ku sugnaan doona ilaa inta laga dhawaaqayo natiijada Madaxtooyada(Kabacdi maalinta doorashada 7 cisho gudahood ayaa natiijada madaxtooyada lagu dhawaaqayaa.

Xubnahani waxaay kormeer ku soo mareen xaruntan guud ee isugaynta codadka ( National Tally Center), Xarunta Warbaahinta (National Election Media Center) oo loogu talo galay in warbaahinta xogaha lagu siiyo iyo sidoo kale in lagula socodo wararka iyo xogaha muhiim-ka ah ee warbaahinta wadanka iyo ta caalamiga ahi ka gudbinayaan xiliga doorashada.

Waxa ay sidoo xubnahan Komiishanka Dooroshooyinka Somaliland ka qayb qateen soo bandhigidii hanaanka sax-da ah ee la rabo in muwaadin kastaa u dhiibto codkiisa kaasi oo ay muwaadiniinta codaynaya ay tusayeen Guddida Dooroshooyinka Dalka Kenya iyo xubno kale oo ka mid ahaa goob joogayaasha caalamiga ah oo Guddida Somaliland ay ka mid ahayeen.

 

 

Leave a Reply