Hogaamiyeyaasha G7 oo ka Baaqsaday in ay Go’aamiyaan Xabad Joojinta Iiraan iyo Isreal

0
270

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu qanciyey inuu saxeexo bayaan wadajir ah oo ku baaqaya in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iran oo ay soo diyaariyeen hoggaamiyeyaasha G7 ee Kanada, inkasta oo uu ka gows adaygay ugu dabayntii waxa uu ku daray magaciisa.

War-murtiyeedka qabyada ah oo ay gadhwadeen ka ahaayeen mas’uuliyiin reer Yurub ah oo ka soo qeyb galaya shirka ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, isla markaana aanay Iran heli samaysan karin hubka Nukliyeerka ah.

Go’aanka G7 waxa uu ku baaqayaa in colaada bariga dhexe la qaboojiyo oo ay ku jirto Gaza, waxay se ka gaabsadeen baaq xabad joojin ah dhex marta Iran iyo Isreal. Waxa la doonaayey in shirka G7 oo ka dhacaya Canada, ayaa lagu waday inuu ka soo baxo go’aan ku baaqaya xabad-joojin, balse Trump ayaa sheegay in aanu saxeexin doonin qoraalkaasi taasina waxay keentay kala qaybsanaan deg deg ah ugu danbayntii waxa laga bedelay sida hadalka loo dhigayo.

Marka uu saxeexay Trump goor hore ayuu ka baxay shirka. ma cadda ujeedadiisa xoghayihiisa warfaafinta ayaa sheegay in tegitaankiisa deg-dega ah ay sabab u tahay dhacdooyinka bariga dhexe. Muddo waxaa socday wadahadallo u socday ergada G7 oo ku saabsanaa luqadda qoraalka qabyada ah.

Madaxda Yurub oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, ayaa rajeynayay in la dhameeyo is-afgarad dhexmara madaxda oo ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe oo ay weheliyaan martigeliyaha shirka, Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney.

Trump ayaa saxafiyiinta u sheegay subaxnimadii isniinta ka hor inta aanu shirku bilaaban in uu aaminsan yahay in Iran ay dejiso colaadda ay kula jirto Israa’iil iyada oo dagaalka u dhexeeya labada dal uu galay maalintiisii ​​shanaad.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa diiday inuu sheego sida iyo haddii ay wax jiraan waxyaabo soo dedejin karaan ku lug lahaanshaha militariga Maraykanka ee dagaalka.

“Ma doonayo inaan ka hadlo taas,” ayuu yidhi, isagoo aan caddayn markii lagu cadaadiyay waxa sirdoonka Maraykanku siinayo Israa’iil. Madaxweyne Trump ayaa xubnaha Midowga yurub ku dhaliilay ka maqnaanshaha shirka ee Ruushka, isaga oo sheegay inuu door dhex-dhexaadin ah qaadan lahaa hadii uu halkan joogi lahaa.

Laakiin madaxweynaha Faransiiska Macron, ayaa Trump ku diiday doorka uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka ciyaari karo dhexdhexaadinta khilaafka.

Ka dib markii uu talefoon kula xidhiidhay Putin dhammaadka todobaadkan, Trump waxa uu sheegay Axaddii in uu rumaysan yahay in hoggaamiyaha Ruushka uu u dhaqmi karo dhexdhexaadiye. Laakiin Macron ayaa markii uu booqasho ku joogay Greenland ku gacan seydhay fikradda, isaga oo sheegay in ku xadgudubka Moscow lafteeda ee Axdiga Qaramada Midoobay ee Ukraine ay ka saartay inay u dhaqmaan sidii ddhexdhaxaadiye nabadeed.

Trump wuxuu kale oo uu dhaleeceeyey ururka Midowga Yurub oo Ruushka ka saaray G8 kow iyo toban sano ka hor. Ruushka ayaa laga saaray G8-kii markaas kadib markii uu la wareegay Crimea 2014. Trump ayaa hadda taas ku tilmaamay khalad la galay.