Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawab) Booqashada rasmiga ah ee weftiga culus ee Dowladda Maraykanku ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland 18-kii June 2025, waxay calaamad u tahay marxalad cusub oo muhiim ah oo ku saabsan isbeddelka juquraafi siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika. Waa dhacdo xambaarsan farriin siyaasadeed oo miisaan leh, sidoo kale waa fursad cusub oo la xidhiidha loollanka amniga, ganacsiga iyo difaaca ee gobolka.
Weftigan uu hoggaaminayay Danjire Richard Riley iyo Jeneraal Michael Langley oo ah Taliyaha guud ee Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo ay wehlinayeen saraakiil sar sare iyo diblomaasiyiin khibrad dheer u leh arrimaha ammaanka iyo iskaashiga caalamiga ah, waa tallaabo iftiiminaysa in Washington ay si dhab ah u garawsatay madax-bannaanida iyo muhiimadda juqururaafi-siyaasadeed ee Somaliland.
Arrintani maaha booqasho diblomaasiyeed oo iska caadi ah. Balse waa tallaabo taariikhi ah oo xambaarsan farriin cad oo xooggan, taas oo xaqiijinaysa in dawladda Maraykanku aanay Somaliland u arag kaliya goob istaraatiiji ah, balse ay u aragto saaxiib dhab ah oo awood u leh in uu door muuqda ka qaato sugidda nabadda gobolka, xasilloonida Badda Cas, iyo adkeynta iskaashiga dhaqaale.
Marka laga eego muuqaalka istaraatiijiyadeed ee gobolka, Somaliland waxay ku taallaa meel muhiim ah oo ku dhaw marin-biyoodka Baabul-Mandab iyo badda Cas, halkaas oo ah xudunta xidhiidhka ganacsiga caalamiga ah iyo is-dhexgalka millatari ee quwadaha waaweyn. Sidaa darteed, booqashada weftigan Maraykanka ah, maaha keliya isdhexgal diblomaasiyadeed ee waxay calaamad u tahay in Maraykanku ku qancay in Somaliland ay tahay xulufo lama-huraan ah oo kaalin muhiim ah ka qaadan karta saamaynta sii kordheysa ee Shiinaha.
Waxa kale oo lagu tilmaami karaa booqashadan mid la jaanqaadaysa siyaasadda cusub ee dawladda Maraykanka ee lagu dhisayo xidhiidh la taaban karo oo lala yeesho waddamada xulafada ah ee xasiloon, halkii lagu dhaqmi lahaa aragtidii hore ee fashilka ku dhammaatay “Midnimada Soomaaliya”.
Dhab ahaantii, wada-hadallada weftiga dawladda Maraykanka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somalialnd oo diiradda lagu saaray iskaashiga amni iyo difaac, waxay muujinayaan in Somaliland ay diyaar u tahay kaalin muuqata oo waxtar leh oo ay kaga qeyb qaadato nabadgelyada Badda Cas iyo guud ahaan xasilloonida Bariga Afrika.
Waxaa muhiim ah in la xuso booqashada ay weftigu ku tageen magaalada Berbera oo hormood u ah magaalo xeebeedyada ugu istaraatiijisan Afrika oo leh deked si buuxda u shaqeysa iyo garoon diyaaradeed oo heer caalami ah. Halkaas oo ah goob dawladda Maraykanku ay si qoto dheer u daneynayso, maadaama ay suurtogal tahay in laga dhiso saldhigyo amni ama xarumo farsamo oo taageeri kara hawlgallada AFRICOM iyo saaxiibada gobolka.
Xukuumadda Somaliland waxay xiligan si qaan-gaadhnimo ah u wajahday loollanka siyaasadeed ee mandaqadda, iyada oo si cad u muujisay go’aankeeda ah in ay la shaqeyso beesha caalamka si loo horumariyo sugidda amniga iyo kobcinta dhaqaalaha, loona xaqiijiyo xasilooni waarta oo ka hirgasha Geeska Afrika.
Waxaa la gaadhay wakhtigii ay beesha caalamku si dhab ah uga jawaabi lahayd rabitaanka Somaliland ee ah in ay noqoto lammaane la aamini karo oo kaalin muuqata ku leh sugidda nabadda iyo horumarka gobolka. Sidoo kale marka la eego xaaladda cakiran ee gobolka, waxa la joogaa xiligii adduunku aqbali lahaa rabitaanka Somaliland, isla markaana la dhagaysan lahaa codkooda “Somaliland maaha caqabad ee waa fursad istaraatiijiyadeed oo lama huraan ah”.
Somaliland waxay sii wadaysaa doorkeeda siyaasadeed ee ay caalamka ku leedahay iyo dariiqa sharafta leh ee ay qaadday: mid ku dhisan dimoqraadiyad, xasilooni, iyo diblomaasiyad mas’uuliyad leh. Somaliland waxay sii xoojinaysaa meeqaamkeeda dawladnimo oo tusaale u ah xornimo iyo deganaan. “Xoojinta iskaashiga labada dal waa in uu noqdaa mid dhab ah “aqoonsi rasmi ah”, lana dhisayo xidhiidh dhab ah oo wax-ku-ool ah.”






















