Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u sharaxdo abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, Islamabad ayaa sidaa ku sheegtay inuu gacan ka geystay wadahadal xabbad joojin ah oo bishii hore dhex martay India iyo Pakistan.
Hadal ay dawladda Pakistan ku faafisay barta X, waxay sheegtay in Trump uu u qalmo abaalmarinta “iyada oo lagu aqoonsanayo faragelintiisa diblomaasiyadeed ee go’aanka ah iyo hoggaamintiisa muhiimka ah intii lagu jiray gacan ka hadalkii India iyo Pakistan ee bishii hore.”
Laakiin Hindiya ayaa beenisay in Maraykanku uu dhexdhexaadiye ka ahaa soo afjarida afartii maalmood ee dagaalku socday bishii hore, waxayna sheegtay in aanay doonayn faragelin dublamaasiyadeed oo kaga timaada dhinac saddexaad.
Trump ayaa marar badan soo jeediyay in uu helo abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, kaas oo magacaabistii la sugayo bisha Oktoobar. Ma dhici kartaa?.
Bishii May, Trump waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay xabbad joojin u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan ka dib afar maalmood oo ay dagaallameen dariska ku hubaysan hubka Nukliyeerka.
Dowladda Pakistan ayaa jimcihii ku sheegtay boggeeda: “Madaxweyne Trump wuxuu muujiyay aragti istaraatiijiyadeed oo weyn iyo dowladnimo heersare ah isaga oo u marayey xidhiidh diblomaasiyadeed oo adag oo uu la yeeshay Islamabad iyo New Delhi, taas oo hoos u dhigtay xaalad degdeg ah oo sii xumaaneysay.
“Faragelintiisu waxay daliil u tahay doorkiisa nabad-doonnimo.” Ma jirin jawaab degdeg ah oo ka timid Washington ama New Delhi. Trump ayaa marar badan ku celceliyay in India iyo Pakistan ay soo afjareen colaada ka dib markii xabad joojin uu ka shaqeeyay Maraykanka,sidoo kalena uu ganacsi ahaan u adeegsaday in ay ku heshiiyaan.
Pakistan ayaa xaqiijisay hadaladii Maraykanka ee ku saabsanaa dhexdhexaadinta xabbad joojinta, laakiin Hindiya waa ay beenisay.
Bishii la soo dhaafay, Trump wuxuu sheegay Hindiya iyo Pakistan in ay xabbad joojini lagama maarmaan tahay si aad u sii wadaan ganacsiga aad Maraykanka la leedihiin.
“Waxaan ku idhi, ‘kaalaya, waxaanu idinla samayn doonaa ganacsi badan [Hindiya iyo Pakistan] aan joojinno dagaalka,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.
Tallaabada Nobel-ka ayaa waxaa u sacab tumay Mushahid Hussain, oo ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga difaaca Senetka ee baarlamaanka Pakistan. “Trump wuxuu u fiican yahay Pakistan,” ayuu u sheegay Reuters. Laakin Maleeha Lodhi, danjirihii hore ee Pakistan u fadhin jiray Maraykanka, ayaa dhaleeceeyey tallaabada , kuna tilmaamay “nasiib darro”.
“Nin taageeray dagaalka xasuuqa ah ee Israel ka wado Gaza oo ku tilmaamay weerarka Israel ee Iran mid aad u wanaagsan,” ayay ku qortay X. “Waxay wax u dhimaysaa sharafteena qaranka,” ayuu raacisay.
Jimcihii, Trump wuxuu ku sheegay barta Truth Social inuu wadamo badan ka caawiyay wada xaajood nabadeed, laakiin ay iyaga taasi jirto: ” inkasta oo aan sidaa sameeyey, Maya, ma heli doono Nobel Peace Prize si kasta oo aan sameeyo.”
Trump ayaa xafiiska soo galay isaga oo wacad ku maray inuu si degdeg ah u soo afjari doono colaadaha caalamiga ah oo ay ku jiraan Ruushka-Ukrayn iyo dagaalladii Israa’iil iyo Gaza, inkasta oo heshiisyadii nabadeed ee labada colaadoodba uu ilaa hadda ka baxay.
Wuxuu si joogta ah u dhaleeceeyay madaxweyne Barack Obama inuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2009 ka dib wax ka yar siddeed bilood oo uu ahaa madaxweynaha Maraykanka. Sannadkii 2013-kii, Trump wuxuu ugu baaqay guddiga Nobel-ka Norway inay ka noqdaan abaalmarinta.






















