Madaxweyne Erdogan: Netanyahu waa caqabada ugu weyn ee nabadda gobolka: shirka OIC

0
99

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu yahay “caqabadda ugu weyn ee nabadda gobolka” sidaas oo kale Isreal weerartay Iran iyada oo ay socdaan wareeg cusub ee wadahadalka nukliyeerka ah wuxuu kale oo uu sheegay in Maraykankuna ay ujeedadiisu tahay inuu carqaladeeyo wada xaajoodka.

Isaga oo la hadlayay dublamaasiyiinta Jaamacadda Carabta intii lagu jiray shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Sabtidii ka dhacay Istanbul, Erdogan wuxuu ku booriyay waddamada saamaynta ku leh Israa’iil in aanay dhegaysan “sunteeda” isla markaana ay raadiyaan xalka dagaalka iyada oo aan loo oggolaan in khilaafku sii ballaadho.

Erdogan waxa uu yidhi “Weerarrada Israa’iil ee Iran waxay muujinayaan in Netanyahu “iyo dowladdiisa… aanay rabin wax hadal ah in si diblumaasiyadeed loo xaliyo dagaalka”.

“Hamiga Sahyuuniyadda Netanyahu ma laha ujeedo kale oo aan ka ahayn in uu gobolkayaga iyo adduunka oo dhan u jiido masiibo weyn,” ayuu raaciyay.

Erdogan ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka inay “taageero shuruud la’aan ah” siiyeen Israa’iil. Waxa uu sheegay in Turkigu aanu oggolaan doonin in xuduudaha Bariga Dhexe dib loogu qaabiiyo oo “dhiig lagu sawiro”.

“Waxaa muhiim noo ah inaan muujino isku xidhnaan dheeri ah si loo soo afjaro burcad-badeedda Israa’iil – kaliya maahan Falastiin laakiin sidoo kale Suuriya, Lubnaan iyo Iran,” ayuu u sheegay isu imaatinkii OIC.

OIC oo ka kooban 57 xubnood, oo la aas aasay 1969-kii, ayaa sheegay in hadafkoodu yahay “in la ilaaliyo oo la badbaadiyo danaha dunida Muslimka iyada oo la raacayo ruuxa horumarinta nabadda iyo wada noolaanshaha caalamiga ah”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan oo Erdogan ka hor hadlay ayaa ku eedeeyay Israel inay Bariga Dhexe u horseedayso “musiibo guud” iyada oo weerartay Iran .

“Israa’iil hadda waxay gobolka u horseedaysaa inuu qarka u saaran masiibo iyada oo weerartay Iran oo ah dariskeena,” ayuu yidhi. “Ma jirto dhibaato ah Falastiin, Lubnaan, Suuriyaan, Yemen ama Iran, laakiin waxaa cad dhibaatadu in ay Israel tahay.”

Turkiga oo hadda ah guddoomiyaha ururka OIC wuxuu isu  arkaa in uu meel wanaagsan ka soo qaatay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Israa’iil iyo Iiraan.

“Tukigu waa waddan xubin ka ah NATO oo u dhexeeya dunida reer galbeedka iyo kuwa Muslimka ah, waxayna xidhiidh adag la leedahay Iran, Galbeedka iyo Maraykanka, ilaa dhowr sano ka horna, waxay xidhiidh adag la lahayd Israel,”.

Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay oo kaliya inuu la macaamilo Maraykanka, haddii Israel ay joojiso weerarada ka dhanka ah Iran.

“Iran waxa ay diyaar u tahay in ay dib u eegis ku sameyso diblumaasiyadda mar kale iyo mar haddii gardarada la joojiyo, dembiyadana waxaa lagula xisaabtamayaa cidda gardarada geysatay,” ayuu yidhi Arakchi.

“Waxaan taageersanahay sii wadida wadahadalka [Britain, France, Germany iyo EU] waxaanan muujineynaa sida aan diyaarka ugu nahay inaan mar kale kulano mustaqbalka dhow.”