Gabadh u dhalatay Scotland ayaa farriinteedii ay quraarad ku riday kuna tuurtay badda ay hadda jawaabteedii heshay in ka badan 30 sanno ka dib. Alaina Beresford, oo ka timid Portknockie ee Moray, oo Stoctland ah waxay dirtay fariinta 1994 markii ay ahayd 12 iyada oo qayb ka ah socdaal Iskuul.
Waxay mowjadu u kaxaysay badda woqooyi ee Norway, halkaas oo uu xeebta ka helay qof iskaa wax u qabso ah oo nadiifinayey jasiirad Norway ah – kaas oo markaa jawaab ku soo diray kaadhka boostada si uu u ogeysiiyo qofkii soo diray una farax geliyo.
Alaina waxay u sheegtay BBC Scotland News inay rumaysan kari wayday in warqaddeedii asalka ahayd ay xaaladdeedu sidan u wanaagsan tahay soddon sanno ka dib. Warqadda gacanta lagu qoray ayaa lagu soo diray quraarad madhan oo Moray Cup ah, oo laga cabay cabitaan baraf ah oo laga soo saaro waqooyi bari ee Scotland.
Warqada ay qortay Alaina waxaa lagu yidhi: “Gacaliye qofka helow. Magacaygu waa Alaina Stephen, waxaan ahay 12 sanno jir, waxaan ka imid Portknockie, waxaanan wadaa mashruuc ku saabsan biyaha, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan fariin ku diro quraaradan”.
“Ninkii macalinkeedii ayaa ku tuuray badda dhexdeeda.
Alaina fariinteeda waxa kale oo ka mid ahaa “Markaad hesho fariintan, fadlan ku qor magacaaga, hiwaayadahaaga, meesha aad ka heshay, goorta, iyo haddii aad awoodid, macluumaad yar oo ku saabsan degaankaaga”.
Hadda, 31 sanno ka dib, Alaina waxay heshay kaadhka boostada Pia Brodtmann, iyada oo u sheegaysa warka wanaagsan, oo ay ku jiraan sawirada helitaanka. Waxaa lagu yidhi: “Magaceygu waa Pia, waxaanan ka imid Jarmalka, maanta waxaan fariintaada ka helay quraarad aniga oo jooga Lisshelløya, oo ah jasiirad yar oo ku taal agagaarka Vega ee Norway.
“Waxaan halkan u joogaa nadiifinta xeebaha aniga oo iskaa wax u qabso muddo afar bilood ah ku shaqaynayey, maantana waxaan nadiifinay Lisshelløya, kaadhka hore ee boostada waxaad ku arki kartaa doonteena shaqada ee Nemo iyo doonyaha shiraaca ah ee Fonn, oo ah meesha aan ku noolnahay, waxaad sidoo kale arki kartaa agagaarka Vega, waxaan la yaabanahay goorta iyo meesha uu macalinkaagu quraarada badda kaga soo tuuray?”
“Waxaan ahay 27 jir waxaana jeclahay fuulista buuraha iyo badmaaxnimada!”
Alaina, oo hadda 42 jir ah, ayaa sheegtay in ay yaabtay markii ay soo qaadatay boostada oo ay dareentay in kaadhka boostada lagu soo qoray nafteeda. “Ma rumaysan kari, sidii aan u diray anigoo 12 jir ah, 31 sanno ka hor.”






















