Qore Xasan Suudi Xersi
Booqashadii Rasmiga ahayd ee taariikhda gashay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ku tagey dalka qiimaha iyo qadarinta ku leh adduunka ee Oater oo kaalin libaaxnimo ka qaata wax kasta oo ka socda adduunka, gaar ahaan nabada, iyada oo Qater ay waliba ku guuleysatay xallinta khiilafaadka dawladaha adduunka oo qaadata waajib raaligeliya inta nabadda jecel iyaga oo gudanaya waajıbaad ku dhisan wada nololashaha adduunka, nabad iyo isqadarinta. Qater waxaa degan jaaliyad ka soojeeda Somaliland kuwaas oo deganaa muddo aad u dheer oo ka soo qayb qaatey geedi socodka taariikhiga ah ee dalka Qater, ilaa meesha ay maanta gaadhey. Waa jaaliyada loogu qadarinta badanyahay dhammaan jaaliyadaha ku nool Qater, sida uu caddeeyey madaxweyne Maxamed Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo la soo shirey. Booqashadaasi waxay jabisey derbi adag oo aanay xataa ku fikirin dhammaan madaxweyneyaashii Somaliland ee hore.
Siyaasadu waxay ku fareysaa in aad xidhiidh la yeelato cid walba oo ay danta dalkaaga iyo dadka aad madaxda u tahay ay faa’iido ugu jirto. Sida Qater iyo kuwa aynu saaxiibka nahay iyo kuwa siyasadda aad waxyaabaha qaqar isku khilaafsantihiin laakiin aad qodobo badan oo kale aad iskaashi ka wada lahaan kartaan, sida dhaqaalaha, Hay’adaha samafalka, ganacsiga, wabarashadaha, iyo waxbadan oo muhim u ah danta dalkaaga.
Qodobka ugu muhiimsan guusha booqashada waftiga uu hoggaaminayey Madaxweynahu waa in ay fursad u helaan in ay heshiisyo muhim ah oo qiimo leh ay la gaadheen madaxda sare ee dalkaasi, sida wasiirka arrimaha dibada, ahna raysal wasaaraha dalka Qatar iyo masuuliyiin kale oo ah madaxda xukuumada Qater kaas oo ah wax wada qabsi aanay cidna fileyn, kaas oo ah bilaw khayr ah oo la mahadin doono.
Si kale haddii aynu u nidhaahno in aad ka hesho kalsooni nabdeed iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh waa guul taariikhi ah.
Dalka Qater oo aan ku caan bixin sida waddamo badan oo kale dagaal iyo khilaafaadka gudahooda ah iyo sidoo kale dhaabato badan oo ay dalalka kale ee caalamku gaystaan ba, sida kuwa khalkhalka galiyay dalalka Carbeed ee Liibiya, Yeman iyo Suudaan.
Siyaasadu waxay ku fareysaa in aanad noqon seef la bood xag jir ah oo aanad jirin weerar aan midho kuu keenayn. Ugu dambayn derbi jabinta iyo xidhiidhka Qater waa tallaabo taariikhi ah oo wax garadku soo dhaweynayaan kuwa wanaaga diidaana ay diidayaan iyaga oo ilawasan xigmadda tidhaahda “Af xumo Nabadna way Kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto’. Sidaa darted aynu sugno mustaqbal aad u dhow tallabooyin badan iyo horumar dhinacyo badan oo Qater iyo Somaliland dhex mari doona.
Haddii degdeg door dhalo hubsiino waa ka door weyntahay
Hassan Suudi Hersi




















