Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Kulankii Sabtidii ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa si cad u muujiyey isbeddelka xooggan ee ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan sida ay ula macaamileyso beesha caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si diirran u qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas, Marwo Ambassador Annette Weber, booqashadaasi oo muhiimad weyn u leh xoojinta doorka Somaliland ee gobolka.
Kulankaasi waxa uu ka tarjumayaa laba arrimood oo muhiim ah:
- Midowga Yurub waxa ka go’an in uu si toos ah ula macaamilo Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo adeegsanaya barnaamijyo horumarineed, iskaashi siyaasadeed iyo booqashooyin heer sare ah. Xidhiidhkaasi joogtada ah ayaa si weyn u kordhiyay miisaanka diblomaasiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan sida ay beesha caalamku u aragto doorkeeda gobolka Geeska Afrika.
- Jihada cusub ee maamulka Cirro: Madaxweyne Cirro waxa uu muujiyey in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso xoojinta nabadda iyo xasiloonida Somaliland iyo xidhiidhka caalamiga ah. Tusaale ahaan, daminta colaadaha gudaha, qaramaynta ciidamadii madaniga ahaa iyo gogol nabadeed oo ballaadhan ayaa ujeedkoodu yahay in la dhiso kalsoonida shacabka iyo beesha caalamka labadaba.
Marwo Annette Weber ayaa iyaduna dhankeeda si cad u bogaadisay nabadgelyada Somaliland iyo hab-dhaqanka dimuqraadiga ah ee Somaliland, iyada oo caddaysay in xaaladda Somaliland ay aad ugu duwan tahay xaaladda colaadeed ee ay la daalaa-dhacayaan dalalka kale ee gobolka. Ficilka Annette ayaa u muuqatay mid garawshiyo ka bixinaya kaalinta Somaliland ku leedahay amniga Geeska Afrikam, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed , sidoo kale waa arrin istiraatiiji ah oo la xidhiidha mustaqbalka, taas oo dhalin karta taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Qiimayn Guud
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si xeel-dheer u adeegsanaysaa fursadaheeda dahabiga ah ee ay ka midka yihiin nabadgelyadeeda iyo juqraafi ahaan goobta muhiimaddda weyn u leh dunida ee ay ku taallo, si ay u hesho garab iyo taageero caalami ah.
Midowga Yurub ayaa muujiyey diyaar garow uu ugu jiro inuu wax la qabto Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo si weyn uga taageeri-kara barnaamijyada arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorka Somaliland ee la xidhiidha amniga gobolka iyo ka Badda Cas iyo barnaamijyada horumarinta ah.
Gunaanad:
Kulanka Madaxweyne Cabdirxmaan Cirro iyo Weber wuxuu calaamad u yahay bilowga wajiga labaad ee xidhiidhka Somaliland iyo Midowga Yurub, kaas oo ah mid ku dhisan iskaashi, nabad, iyo istiraatijiyad guud oo gobolka ah. Waa fursad Somaliland u noqon karta mid ay ku dhisto taageero ballaadhan oo dhanka horumarka, amniga iyo u-diyaargarowga aqoonsi caalami ah.
Waxaa la joogaa xilli ay beesha caalamku si dhab ah u eegayso doorarka istaraatiijiyadeed ee ay Somaliland leedahay iyo kaalinta ay Somaliland ka ciyaari karto arrimaha mandaqadda.




















