Godoomiyaha Baanka JSL oo ka Hadlay Doorka Shuruucda ee Maaliyadeed ee Waddanka

0
239

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdinasir Axmed Xirsi ayaa sheegay in dunidu kalsooni buuxda ku qabayaan haddii aynu kor-u-qaadno sharciyada, siyaasadaha iyo hannaanka lagula dagaalamayo xad-gudubyada maaliyadeed ee dalka, isla markaasina aynu kasban doono maalgashadeyaal caalami ah oo ku soo dhiirada hanaanka maaliyadeed ee dalka.

waxaanu yidhi“Haddii aynu ku guulaysano siyaasadaha iyo shuruucda aynu ku dagaalamayno danbiyada Maaliyadda waxa kor-u-kacaya kalsoonida lagu qabo Hay’adaheena Maaliyadeed”.

Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo furay tababar ururka Baananka Somaliland u qabtay Hay’adaha maaliyadeed ee dalka, kaasi oo kor loogu qaaday xirfada la dagaalanka Maydhaanka lacagta, ayaa sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado xirfadaha iyo wacyiga shaqaalaha ka shaqaynaya Hay’adaha maaliyadda dalka, si loo helo hannaan xisaabeed oo la isku halayn karo, lana dagaalamaya danbiyada maaliyadda.

Gudoomiyaha Baanka dhexe ayaa intaasi ku daray in ay fure u tahay maalgashiga dunidu maalgashanayso dalalka hannaan maaliyadeed ee la isku halayn karo, siyaasadihiisa iyo sharciguusuna ay la jaanqaadayaan caalamka.

Geesta kale Guddoomiyaha Ururka Baananka Somaliland Khalif Sheekh Cumar, Agaasime Waaxda La-dagaallanka Maydhaanka Lacagaha Mustafe Cabdi oo furitaanka tababarkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey muhiimmadda ay leeyahay tabobarkan iyo sida uu saldhig ugu yahay La-dagaallanka maydhaanka lacagaha iyo dambiyada kala duwan ee arrintaasi la xidhiidha.

Gabogabadii xukuumadda Somaliland, Baanka dhexe ee Somaliland iyo Baananka gaarka loo leeyahay ayaa halgan ugu jira sidii meesha looga saari lahaa isla markaana loo cidhibtiri lahaa xad-gudubyada maaliyadeed ee maydhaanka lacagaha iyo sidii kor loogu qadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha dadka ka shaqeeya hay’addaha maaliyadeed ee dalka.