Himilada Xukuumadda ee Tamarta: Halgan Dhalin Kara Isbeddel Waara

0
344

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa DawanXukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaaday tallaabooyin istiraatiijiyadeed oo lagu hagayo ka faa’iidaysiga mustaqbalka tamarta la cusboonaysiin karo, si loo xaqiijiyo yoolka qaran ee ah in la helo tamar la isku halayn karo, jaban, la awoodi karo, isla markaana ku saleysan baahida shacabka iyo deegaanka. Dedaalladan ayaa ah kuwo muddo soo socday, waxanay ka bilaabmeen tijaabooyin hordhac ahaa oo lagu raadinayay xal waara oo daboola baahiyaha shacabka ee dhinaca tamarta.

Mashruuca ACTIVE iyo tallaabooyinka Somaliland ka qaaday dhinaca tamarta la cusboonaysiin karo waa kuwo si cad uga tarjumaya isbeddel siyaasadeed iyo horumar istiraatiiji ah oo qaraka Somaliland ku wajahayo hirgelinta adeegyada Tamarta oo tayo leh, si loo gaadho isku filnaansho dhinaca tamarta ah.

Wargeysa Dawan oo ayaa falanqaynta qotodheer ku sameeyay dedaalada wasaaradda Tamarta Somailand ee la xidhiidha arrintan, taas oo ku salaysan qodobbadan hoos ku xusan:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adda ADRA, ayaa isla lafo-guray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan hirgelinta mashruuca tamarta cusub ee ACTIVE. kulankaas oo tusaale u ah sida ay Somaliland uga go’an tahay horumarinta adeegyada nolosha aas-aasiga ah, gaar ahaan kuwa la xidhiidha tamarta nadiifka ah iyo baahiyaha bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka dalka.

Somaliland waxay muujinaysaa rabitaan xooggan oo ah inay samayso iskaashi xoogan oo la xidhiidha horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo iyada oo aan sugin taageero dibadeed oo rasmi ah. Tani waa calaamad muujinaysa madax-bannaani siyaasadeed iyo dhaqaale, iyo sidoo kale qorshe fog oo lagu dhisayo awoodda gudaha ee dalka.

Iskaashi Dawladeed iyo Hay’ado Horumarineed

Mashruuca ACTIVE oo ay wadajir u wadaan Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo hay’adda ADRA ayaa caddeyn u ah in Somaliland ay ku talaabsatay iskaashi xirfadeed oo dhex mara dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta. Taasi waxay sare u qaadaysaa kalsoonida iyo hufnaanta fulinta mashaariicda waaweyn.

Xoojinta Adeegyada Bulshada iyo Dhaqaalaha

Ku dhisidda mashruuca tamarta ee diiradda saaraya baahiyaha sida helitaanka biyo nadiif ah iyo qaboojinta Kalluunka, Caanaha iyo kaydinta cuntada ayaa ah tallaabo siyaasadeed oo muujinaysa in xukuumaddu ay fahansan tahay in horumarka tamartu aanu kaliya ahayn wax-soo-saar koronto, balse uu yahay aalad isbeddel bulsho oo dhaqaale.

Saldhigga Guulaha Hore iyo Joogtaynta Horumarka

Xuska mashruucii hore ee SETS-ENERGY iyo qorshaha dayactirka xarumaha hore ayaa tilmaamaya in Somaliland ay doonayso in horumarkeeda tamareed uu noqdo mid joogto ah, taasoo siyaasadda qaranka ka dhigaysa mid lagu dhaqmo muddo dheer, halkii laga sugi lahaa guulo ku kumeel gaadh ah.

Saameynta Istiraatijiyadeed ee Gobolka iyo Caalamka

Marka Somaliland ay dhisto awood tamareed oo waarta, gaar ahaan tamarta nadiifka ah, waxay u istaagi kartaa sidii dal tusaale u noqon kara gobol ay tamarta iyo deegaanka ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn. Tani waxay sidoo kale sare u qaadaysaa sumcadda Somaliland iyo dadaallada ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah.

Gabagabo
Mashruuca ACTIVE iyo siyaasadda tamarta la cusboonaysiin karo ee Somaliland waa astaan muujinaysa geeddi-socod siyaasadeed oo dhiirigelinaya isbeddel waara oo dhaqaale iyo bulsho. Xukuumaddu waxay muujisay biseyl iyo karti ay ku wajahayso baahiyaha tamarta, iyadoo adeegsanaysa iskaashi iyo qorshe cad oo istiraatiiji ah. Taasina waxay noqon kartaa dariiq wanaagsan oo Somaliland ay ku gaadhi karto horumar waara, isla markaana ku dhisto mustaqbalka tamarta nadiifka ah, taasoo ka tarjumeysa himilada qaran iyo rajada bulshada.