Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay martigeliso dameeraha ugu badan adduunka – mid ka mid ah shantii dal ee wadarta guud ee caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Warbixintu waxay sheegaysaa in Dameeraha Africa ay sare u soo kacayeen 10-kii sano ee ugu danbeeyey waxay kor u kaceen boqolkiiba 60%.
Qaarada oo dhan kamuu hirgelin kor u kacu, waxay dameeraha ee Afka cadi ku badan yihiin dalalka Saaxil loo yaqaano ee Galbeedka Africa, Itoobiya, Sudan iyo Masar.
Dameeruhu waa tiirka dhaqaalaha Itoobiya, iyo Xarunta Dameeraha. Sida laga soo xigtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, Itoobiya waxay hoy u ahayd ilaa sagaal milyan oo dameer ah illaa 2018. Hadda laakiin tiradu waxay gaadhay 10 milyan iyo dheeraad sida lagu sheegay warbixintii ugu danbaysay oo la sameeyey dabayaaqadii 2024 iyo horaanta 2025. Dalkan Bariga Afrika oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 130 milyan oo qof, dameeruhu waxay ciyaaraan doorka ugu weyn ee dhaqaalaha, sida beeraha falida, daabulka alaabada iyo hawlaha kaleba. Waxay daboolaan qiimo jaban oo beddelka baabuurta ah xilli qiimaha shidaalku uu kor u kacay.
Itoobiya waxay hogaaminaysay Africa marka la eego wadarta guud ee dameeraha ku nool Africa ilaa iyo 1949. Reer kastaa waxa uu leeyahay Dameero waxay ku isticmaalaan wax kasta, waxay ugu jiraan halkii gaadiidka. Xitaa qoysaska qaar waxa uu yahay dakhli oo way ku xamaalaan.
Chane Baye, ayaa noloshiisa ku maareeya isaga oo isticmaalaya labadiisa dameer si uu jawaano hadhuudh ah ugu daabulo magaalada oo uu macaamiishiisa ugu geeyo. Dakhligiisu wuxuu u dhexeeyaa 200 ilaa 400 oo birr maalintii (qiyaastii $1.50 ilaa $3) – lacag wanaagsan oo ka jirta dal ay saddex meelood meel dadka ka mid ahi ku nool yihiin meel ka hoosaysa heerka saboolnimada ee Baanka Adduunka oo ah $2.15 maalintii.
Chane Baye oo 61-jir ah waxa uu sheegay in ay xitaa jirto Rug caafimaad oo lacag la’aan ku daweysa dameeraha. Rugta caafimaadka ee vet Derege Tsegay ayuu Chane Baye geeyaa dameerihiisa saddexdii biloodba mar.
Sida warbixintu sheegayso Dameeraha taradooda iyo isticmaalkooduba waxay ku badan yihiin dhulka lama degaanka ah ama lama degaan u eekaha ah iyo dhulka buuraha ah ee aan baabuurtu mari karin. Dalal badan oo wakhtiyadii hore hogaaminayey tirada dameeraha ayaa hoos u dhacay sababtuna waxa horumar sameeyey wadooyinkooda iyo gaadiidka, sidaa awgeed waa laga maarmay isticmaalkii dameeraha sidaa awgeed tiradooduna waxay yaraanaysaa. Wadanka Pakistan oo wakhtiyadii hore dameeraha ugu badan marti gelin jiray ayaa hada kaalinta saddexaad ku jirta marka la eego warbixintan. Wadanka Shiinaha isna waxa uu ka mid ahaa dalal dameeraha ugu badani ku nool yihiin, laakiin dameerihii dalkaas waa la gowracay iyada oo la sheegay in la sameeyo dawooyin lacag badan. Shiinaha hadda waxa ku nool 1’460, 000 dameer.
Guud ahaan dunida in ka badan 50 milyan oo dameer ayaa adduunka ku nool. Itoobiya waxa dalkeeda ku nool 10,668,986, dameer oo ka mid ah 50 Milyan ee adduunka waxaanay ka mid tahay dalalka marti geliya tirada ugu badan, waxa ku xiga Sudan oo ay ku nool yihiin 7,666,017, dameer. Pakistan, 5,830,000, Chad, 4,676,320. Mexico, 3, 300,639. Niger, 1,989,153. Burkino Faso, 1,616, 437. Iran, 1,530,942. Afghanistan, 1,520,111. China, 1,460,000. Nigeria, 1,357,245. Ilaa boqol iyo sagaashan dal ayaa warbixintu soo warisay tirada dameeraha ku nool. Dalalka ugu yar, waxa ku nool 7 dameer waa jasiirada Suriname, sidoo kale wadanka Thailand ayaa haysta 27 dameer oo keliya. Somalia waxay warbixintu sheegtay in ay ku nool yihiin 22, 889 Dameer.




















