Xukuumada oo Fulisay Tallaabo Lagu Ilaalinayo Badbaadada Dadweynaha Somaliland

0
133

Qore Axmed M. Saleebaan

Berbera (Dawan)- Hawlgalkii ay todobaadkan fuliyeen baadhayaal ka tirsan Hay’adda Dhawrista Tayada ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo lagu qabtay, isla markaana lagu gubay dawooyin tayadoodii is beddeshay oo lagu qabtay Dekedda Berbera, waxa ay tusaale cad u tahay dawladnimo dhab ah oo u heellan ilaalinta badqabka iyo badbaadada dadkeeda. Waa tallaabo muujinaysa sida Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay uga go’an tahay in aan laga ogolaan dalka gudihiisa badeecado waxyeelo u geysan kara nolosha iyo caafimaadka bulshada.

Hawl-galkani maaha tallaabo sahlan, mana aha kaliya fulin sharci. Waa tusaale muuqda oo ka tarjumaya xilgudasho qaran oo dhab ah iyo damiir dawladnimo oo ku dhisan, naxariis, dareen iyo daryeel xukuumadeed, iyada oo si toos ah looga hortagayo khataraha caafimaad iyo bulsho oo ka dhalan kara badeecadaha aanay tayadoodu sugnayn, isla markaana si xooggan loola dagaalamayo in ay si qarsoodi ah uga soo gudbaan xuduudaha dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamed Kayse Axmed, iyo Isuduwaha Hay’adda ee Gobolka Saaxil waxay muujiyeen ka-go’naansho iyo feejignaan muuqata, taas oo sare u qaadaysa kalsoonida shacabka ee ku aaddan ilaalinta tayada badeecadaha la isticmaalo. Gubista dawooyinkaasi waa ficil toos ah oo lagu xaqiijinayo in suuqyada Somaliland aanay noqon karin goob lagu tijaabiyo dawooyinka dhacay ama kuwa aan waafaqsanayn heerarka tayada ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah ba.

Sidoo kale, tallaabadan wax ku oolka ah ee ay qaaday xukuumadda Somaliland, waxay ganacsatada dalka xasuusinaysaa gudashada masuuliyaddooda, taas oo ah in aan dalka la keeni karin badeecado waxyeelo u geysanaya bulshada. Isla markaana ay xukuumaddu tallaabo adag ka qaadaysayo ciddii lagu qabto arrintaas. Waa farriin adag oo aan leexleexad lahayn: ganacsigu ha ahaado mid masuul ah, kuna dhisan akhlaaq, wadaniyad iyo u damqasho dadweyne.

Falanqayntan Wargeyska Dawan, sidoo kale waxa ay xasuusinayaa shacabka JSL in aanay noqon keliya kuwa la ilaaliyo, balse ay noqdaan la-hawlgalayaal ku garab taagan xukuumadda hawl-gallada lagula dagaalamayo khataraha noloshooda khatarta ku keeni kara, isla markaana ay si firfircoon kaalintooda uga qaataan ka hortagga badeecadaha aan sumadda saxda ah wadan ama leh isbeddel muuqda oo tayadooda ah. Iyaga oo xukuumadda si dhaw ugala shaqeynaya ka hortagga khataraha noocan ah. Wacyiga bulshada ayaa ah tiir ka mid ah difaaca guud ee ummadda.

Gunnaanad:

Guud ahaan, waxa la odhan karaa tallaabadan waa muuqaal rasmi ah oo muujinaya in xukuumadda Somaliland ay tahay mid leh aragti fog oo ku dhisan daryeel bulsho iyo damiir dastuuri ah, taas oo mudan in lagu bogaadiyo, isla markaana lagu garab galo. Waa xukuumad muujisay in ay garowsatay in ilaalinta nolosha muwaadiniinta JSL ay tahay masuuliyad ka sarraysa ganacsi, siyaasad ama dan gaar ah.

Dawladdnimadu waxay macno leedahay marka ay hay’adaha dawladeed, sida Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland ay la yimaaddaan dareen ilaalin oo firfircoon, kana hortagaan khataraha laga yaabo in aanay indhuhu arki karin balse halis ballaadhan gelin kara nolosha iyo badqabka buslhada.