Dab-la-taagey: Kaalmo Lacageed oo ka Tarjumaysa Hoggaaminta Tolmoon ee Madaxweynaha JSL

0
157

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale qaaday tallaabo mudan bogaadin, kadib markii ay todobaadkan u qaybisay deeq lacageed oo dhan $155,531 qoys oo danyar ah oo ku nool xaafadda Dab La Taagay ee magaalada Hargeysa. Qoysaskan ayaa dhawaan wajahay xaalad nololeed oo adag, kadib markii duufaan xooggan iyo roobab dabaylo wataa ay si ba’an u waxyeelaysay guryahoodii iyo agabkii nololeed ee ay ku tiirsanaayeen.

Deeqdan degdegga ah oo uu si rasmi ah u bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa ay tusaale u tahay dhabbaha cusub ee xukuumaddu u qaadday wax-ka-qabashada duruufaha degdegga ah ee ay sababeen masiibooyinka dabiiciga ah. Waxay sidoo kale calaamad u tahay in Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu yahay hoggaamiye si sax ah uga dhabeeya ballamaha uu shacabkiisa u qaado, isaga oo dhawaan ballan qaaday in xukuumaddiisu si degdeg ah uga jawaabi doonto baahiyaha dadka xaafadda Dab-la-taagey ee ay duufaantu saameysay.

Tallaabadan naxariista iyo damqashada leh waxay muujinaysaa in Madaxweynaha JSL uu yahay hoggaamiye si toos ah u dareensan xaaladaha adag ee ay bulshada nuguli la tacaalayaan. Waa muuqaal cad oo ka tarjumaya siyaasadda waxqabadka ah ee xukuumadda cusub, taas oo halku-dhiggeedu yahay: Wadajir iyo Waxqabad.

Deeqdan waxa si habsami leh loogu wareejiyey masuuliyiinta xukuumadda ee loo xilsaaray arrintan. Hannaan wakiilnimo ee loo maray wareejinta deeqdan ayaa ah mid ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan maamul, waana mid dhidibada u taagaya kalsoonida shacabka ee hay’adaha dawliga ah, wuxuuna muujinayaa hufnaan iyo ilaalinta daahfurnaanta qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si faahfaahsan u sharraxay jawaabta degdega ah ee xukuumaddu ka bixisay masiibada ku dhacday dadka ku dhaqan xaafadaha Dab-la-taagey, isaga oo iftiimiyay qodobo muhiim ah oo mudan in la xuso.

“Maanta waa maalin taariikhi ah. Waa maalin aynu halkan u fadhino masiibo dhacday, waxaana xusid mudan in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo kooban jirtay ay si dhego nugul oo masuuliyad leh ay uga jawaabtay masiibadan” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in dawladdu ay si degdeg ah uga jawaabtay xaaladda kadib markii uu isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex si toos ah ula xidhiidheen Hay’adda Aafooyinka Qaranka. “Tallaabadii ugu horraysay ee aanu qaadnay waxay ahayd aniga iyo Guddoomiyaha Gobolka oo si degdeg ah ula xidhiidhnay Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka Qaranka, taasoo sababtay in raashin degdeg ah la soo gaadhsiiyo dadka xaafaddan deggan,” ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in markii qiimayntii arrinta laga sameeyay ay u geeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, uu si dhaqso ah u saxeexay codsigii gurmadka “Madaxweynaha markiiba wuu saxeexay codsigii, taasoo muujinaysa hawlkarnimada iyo diyaar garowga hoggaanka sare ee qaranka,” ayuu yidhi Wasiirka.

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu xusay in xilliyadan oo kale loo baahan yahay midnimo iyo isku-duubni bulsho. “Waa inaynu gudaheena ka ahaanaa dad wada jira,” ayuu ku adkeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL.

Dhinaca kale, Isu-duwaha Hay’adda NADFOR ee Gobolka Maroodijeex, Cabdixakiin Cali Cige, ayaa sheegay in guryaha dib loo dhisayo ay isugu jiraan qaar si buuxda u dumay iyo kuwo burbur weyn soo gaadhay. Wuxuu sheegay in deeqdani tahay tiir ka mid ah dareenka qiimaha badan ee Madaxweynaha ee la xidhiidha caawinta shacabka tabaaleysan. “Tallaabadan naxariista leh waxa ay muujinaysaa sida Madaxweynaha JSL uu ula damqanayo shacabka danyarta ah, isagoo sidoo kale si buuxda u oofiyay ballantii uu hore u qaaday,” ayuu yidhi Cabdixakiin Cige.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay masuuliyiinta ka qayb qaatay hawshaasi, kuwaas oo uu si gaar ah ugu xusay: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, isagoo tilmaamay in dadaalkooda, daacadnimadooda iyo masuuliyaddoodu ay suurtageliyeen hirgelinta qorshahani.

Himilada iyo aragtida hoggaamineed ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, maaha mid ku salaysan hadal, balse waa mid ku dhisan ficil iyo waxqabad dhab ah.