Qisaska Dawladnimda Shuucyidda!

0
241

Qisaska laga qoray dawladnimada dalalka shuuciyadda oo iyagu inta badan ah, xukuno maamulkoodu yahay mid adag oo aan doorasho ka iman ayaa ah kuwo u badan maalmaha kormeerka madaxda mid hawlo macmal ah oo maalinta iyowakhtiga kormeerka ku bilowda kuna dhamaada. Waxaana ka mid ah qisaskalaga qoray :

Maalin ayuu Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha booqasho ku tegay suuqa hilibka ee dalkiisa. Suuqu wuxu ahaa mid nadiif ah oo si fiican u habaysan.

  • mudadii uu ku jiray kormeerka suuqa, waxa uu la kulmay nin Hilible waxaana uu ku yidhi :” Hilibkaagu wuu wanaagsan yahay, ka waran iibka”?
  • Hiliblaha: fiican, laakiin saaka xataa hal kiilo maan iibin.
  • R/wasaaraha: Maxaa dhacay ?
  • Hiliblaha: Booqashada awgeed dadka looma ogolaan inay suuqa soo galaan.
  • R/wasaaraha: Hadda, aniga iga iibi 4 kiilo.
  • Hiliblaha: Kaama iibin karo.
  • R/wasaaraha: Waayo, maxaa dhacay?
  • Hiliblaha :Waxa nalaga ururiyay midiyihii aanu ku shaqayn lahayn, booqashad awgeed.
  • R/wasaarah: Qaybtaaba iga iibi, middiba uma baahnide.
  • Hiliblaha: Kaama iibin karo.
  • R/wasaaraha: Waayo maxaa dhacay?
  • Hiliblaha : Anigu hilible miihi, waxaan ahay askari ciidanka ah.
  • R/wasaara: wuu cadhooday waxaan uu ku yidhi iigu yeedh taliyahaaga ?
  • Hiliblaha : Isaguna waa ka inaga soo horjeed ee kaluunka iibinaya.

Waa qaabka khayaaliga ah ee shuuciyadda maamulkeedu ui sheqeeyo, ninkan askariguna xaqiiqda Meesha taallay ayuu cadeeyay. Sababta looga kexeeyo dadka asalka shaqada u leh waa iyadoo laga cabsi qabo inay run u sheegaan madaxda sare ama ay dhibaato gaadhsiiyaan