Xoojinta Iskaashiga Caalamiga ah iyo Balaadhinta Wadashaqaynta Somaliland iyo DP World !

0
164

Somaliland: isku-xidhka mashaariicda horumarineed, maalgashiga caalamiga ah iyo doorka Shirkadda DP World

Qore: Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Dhawaanahan, waxaa si weyn isha loogu hayaa dadaallo joogto ah oo ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku bixinayso xoojinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan wada-shaqeynta ay la leedahay shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah sida DP World.

Bishan gudaheeda, waxaa dhacay kulamo muhiim ah oo is-daba joog ah oo dhexmaray masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo madax ka socday shirkadda DP World, taas oo ah shirkad si toos ah uga qayb qaadatay horumarinta dekedda Berbera iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee la xidhiidha. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii ballaadhin lahaa iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, warshadaha, saadka, gaadiidka iyo kobcinta fursadaha ganacsi ee gobolka.

Iskaashigan sii xoogeysanaya ayaa ka tarjumaya istaraatijiyadda ay xukuumaddu u dejisay in Somaliland lagu hoggaamiyo waddada horumar waara oo ku saleysan maalgelin caalami ah, kobcin ganacsi, iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah isku xidhka gudaha iyo dibedda dalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in ay ka faa’iideyso iskaashiga ay la leedahay shirkadaha caalamiga ah si kor loogu qaado shaqo-abuurka, loona dardargeliyo kobcinta dhaqaalaha qaranka, isla markaana loo suurtageliyo in Somaliland ay noqoto xarun istiraatiiji ah oo xudun u noqota ganacsiga iyo saadka ee Geeska Afrika.

DP World waa shirkad caan ah oo heer caalami ah, gaar ahaan dhanka maareynta dekedaha. Waxay Somaliland hore uga hirgelisay mashruucyo horumarineed oo la taaban karo dekedda Berbera, taasoo noqotay mid istaraatiiji ah oo kaalin muuqata ka qaadatay kobaca dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika.

Sidaa darteed, Xukuumadda Somaliland, iyada oo ka duuleysa yoolkeeda ah kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaalaha dalka, waxa kulamo muhiim ah lala yeelashay shirkadda caalamiga ah ee DP World. Kulamadan oo ka kala dhacay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha, kuwaas oo lagu falanqeeyey fursado maalgashi, iskaashi farsamo, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed, iyada oo laga eegayo dhinacyo kala duwan: sida warshadaha, gaadiidka, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Kulanka Wasaaradda Maaliyadda iyo DP Dorld:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, ayaa 21 July 22, 2025 xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkadda caalamiga ah ee DP World, kaas oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, kaas oo ahaa kulan muhiim ah oo dhabbaha u xaadhaya horumar waara oo ku wajahan koboca dhaqaalaha Somaliland.

Kulankan oo uu hogaaminayay Maareeyaha Bariga Afrika ee DP World, Mr. Supachai Wattanaveerachai, waxa lagu falanqeeyey fursado dhab ah oo maalgashi oo ku dhex jira dhulka hodanka ah ee Somaliland, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahida loo qabo in la curiyo mashaariic wax-ku-ool ah oo qayb ka noqda horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka Wasaaradda Gaadiidka iyo DP Dorld:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Eng. Axmed Muxumed Cabdi ayaa isna kulamo gaar ah la yeeshay DP World, isagoo soo bandhigay fursado horumarineed oo gaar ah. Waxay si gaar ah u xuseen muhiimadda ay leedahay isku xidhka adeegyada gaadiidka dalka (dhulka, badda, cirka), iyo dhisidda nidaam casri ah oo fududeyn kara dhaq-dhaqaaqa ganacsiga.

Eng. Axmed Muxumed Cabdi, oo ay wehelinayeen agaasimeyaasha waaxyaha Qorsheynta ayaa soo bandhigay fursado badan oo ay wadajir uga shaqayn karaan labada dhinac, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray qodobada ay ka midka yihiin Horumarinta kaabayaasha wadooyinka ee dalka, Xoojinta siyaasadaha gaadiidka ee dhulka, cirka iyo badda iyo Dhisidda hannaan casri ah oo isku xidha adeegyada gaadiidka kala duwan. Kulanka ayaa sidoo kale xambaarsanaa dood qoto dheer oo ku saabsan qaab-dhismeedka siyaasadeed ee lagu horumarin karo gaadiidka dalka, iyadoo DP World laga sugayo khibrad iyo maalgelin muhiim ah.

Kulanka Wasaaradda Maalgashiga iyo DP World:

Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulamo qoto dheer la yeelatay shirkadda caalamiga ah ee DP World, kuwaas oo si gaar ah loogu falanqeeyey fursadaha cusub ee maalgashi ee ka bannaan gudaha dalka.

Wada-hadalladan ayaa dhexmaray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda maalgashiga, Eng. Maxamed Cillmi Huuno iyo Agaasime Guud ee wasaaradda Cabdifataax Ismaaciil Ducaale iyo Maareeyaha Bariga Afrika ee shirkadda DP World Mr. Supachai Wattanaveerachai, kaas oo lagu falanqeeyey fursadaha cusub ee maalgashi ay ka qayb-qaadan karto shirkaddu. Kulamadaasi waxay muujinayaan in Somaliland leedahay jawi u bisil horumarin dhaqaale, haddii si hufan loo maareeyo fursadahaas. Waxay sidoo kale caddeynayaan sida ay madaxda dalka uga go’an tahay inay la yimaadaan aragti fog iyo hannaan maalgashi oo ku saleysan danaha shacabka.

Gunaanad: Mustaqbalka Somaliland iyo Fursadaha Maalgashiga

Iskaashiga u dhaxeeya Somaliland iyo DP World wuxuu u muuqdaa mid sii xoogeysanaya, taasoo Somaliland ka dhigaysa meel muhiim ah oo maalgashi oo Geeska Afrika ah.

Waxaa sidoo kale mudan in la xuso in is-weydaarsiga warbixinnada labada dhinac uu yahay tallaabo muujinaysa hufnaan iyo diyaar-garow rasmi ah. Ballanta lagu galay kulamo dambe ayaa ah mid rejo gelinaysa shacabka reer Somaliland in wada-hadallada noocan ahi ay horseedi doonaan heshiisyo dhaxal-gal ah oo wax weyn ka beddeli kara mustaqbalka dhaqaalaha dalka.