Unuga Ilaalinta Dhirta, Daaqa iyo Duurjoogta: Tiirka Badbaadada iyo Ilaalinta Deegaanka JSL

0
99

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Ilaalinta deegaanka dabiiciga ah maaha hawl raaxo leh, mana aha hawl ay wasaaradda deegaanka oo kaliya u xil saarantahay ilaalintiias. Waa masuuliyad qaran, waajibaad damiiri ah, iyo tiir muhiim u ah badbaadada jiilalka maanta iyo kuwa berri. Waa halkaas meesha uu si xeel dheer uga shaqeeyo Unuga Ilaalinta Dhirta, Daaqa iyo Duurjoogta ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah unug-hoosaad muhiim ah oo la shaqeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdi Cali Mahdi ayaa kulan muhiim ah la yeeshay xubnaha kala duwan ee ka tirsan unuggan, kuwaas oo ka kala socday laamaha dawladda iyo ciidanka. Kulankaas wuxuu ka tarjumayaa sida loo qaaday tallaabooyin waaqici ah oo lagu sugayo jiritaanka kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Maxay tahay Shaqada Unuggan?

Unugga Ilaalinta Dhirta, Daaqa iyo Duurjoogta wuxuu mas’uul ka yahay: Dhowrista Dhirta Dabiiciga ah: Kormeer joogto ah, ka hortagga jarista sharci darrada ah ee dhirta, iyo dhiirrigelinta dib-u-beerista geedaha. Sidoo kale unugan ayaa ku hawlan Ilaalinta Daaqa, sida qiimeyn joogto ah, fulinta siyaasado lagaga hortagayo nabaad-guurka, iyo wacyigelin loo fidiyo xoolo-dhaqatada. Unugan ayaa qayb-laxaad leh ka qaata hawlaha badbaadinta Duurjoogta, iyaga oo dedaaladooda diirada ku saara dhowrista noocyada halista ugu jira dabar-go’a, la dagaallanka ugaadhsiga sharci darrada ah, iyo samaynta aagag ilaalineed (conservation zones).

Waxa intaas dheer in uu unuggu la shaqeeyo hay’adaha caalamiga ah ee ku hawlan ilaalinta noocyada duurjoogta adduunka, taas oo Somaliland ku soo kordhin karta fursado iyo aqoon dheeraad ah.

Unuggu wuxuu u taagan yahay difaac qaran oo ka dhan ah khataraha sii kordhaya ee isbedelka cimilada adduunka, sida nabaad guur sii kordhaya, Isbedel cimilo oo keena abaaro soo noqnoqda iyo Dabar-go’a noolaha dabiiciga ah, waa unugu si xeel dheer uga hawl-gala wax ka qabashada xididada mushkiladda, isla markaana abuura xalal waara oo ku saleysan cilmi, qorshe, iyo la shaqeyn bulsho.