Hargeysa (Dawan)- Tartankii feedhka ee miisaanka dhexe ee degmooyinka Hargeysa oo si rasmi ah loogu soo gebagebeeyey caasimadda Somaliladn, wuxuu ahaa mid ka tarjumaya horumarka iyo xiisaha sii kordhaya ee ciyaartan gudaha Somaliland. Tartanka oo uu si rasmi ah u soo gabagabeeyay Guddoomiyaha Xidhiidhka Feedhka, Cabdirisaaq Faysal Ciise, wuxuu dhaliyey jawi firfircoon, is-dhexgal bulsho, iyo dhiirrigelin dhallinyaro oo ballaadhan.
Kooxaha kala matalayey degmooyinka caasimadda ayaa muujiyey dedaal, xirfad iyo karti, iyadoo kooxda Degmada Ibraahim Koodbuur ay hanatay guusha ugu dambeysa, kana adkaatay Degmada 26 June. Feedhyahanka Naasir Kayse oo matalayey degmada guusha gaadhay, ayaa si rasmi ah loogu gudoonsiiyey Suunka Tartanka, taa oo ah tallaabo muujinaysa soo ifbaxa haldoor cusub oo ka dhex ifaya ciyaaraha dalka.
Tartankani waxa uu markhaati u yahay in Somaliland leedahay dhallinyaro leh hibo iyo hammiga kobcin kara ciyaaraha heer qaran iyo mid caalami ah. Waxa kaloo uu muujiyey baahida loo qabo maalgelin, qorshe ballaadhan, iyo kor u qaadista kaabayaasha ciyaaraha si loogu helo hannaan joogto ah oo lagu horumariyo tartamada noocan oo kale ah.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa door muhiim ah ka qaadata kobcinta kartida dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha, iyo dhisidda bulsho isku duuban oo firfircoon. Wasaaraddu waxay mudnaanta siisaa siyaasado iyo barnaamijyo dhiirigeliya dhalinyarada Somaliland.






















