“Aqoonta iyo Wacyi-gelintu Waa Gaashaanka Qaranka” Baaqii Wasiirka Warfaafinta JSL

0
105

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Khudbaddii uu shalay jeediyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ahayd mid xambaarsan farriin qaranimo oo culus, kana tarjumaysa duruufaha maanta horyaalla Somaliland iyo muhiimadda iskaashiga bulsho ee dhismaha qaran adag.

Wasiirku wuxuu si qoto dheer u dul istaagay kaalinta aqoonyahankaa, warbaahinta iyo dhalinyarada jaamiciyiinta ah ee dalka ka soo baxaya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aqoontu tahay aasaaska qaranimada. Wuxuu si xeeldheer u tilmaamay in aqoontu aanay noqon karin mid kaliya qofka ag fadhida, balse loo baahan yahay in ay wax weyn ka bedesho maskaxda, qalbiga iyo ficilka qofka aqoonyahanka ah, si ay u noqoto iftiinka ka hortaga khataraha qaranka.

Farriinta wasiirku ma ahayn kaliya wacyigelin guud, balse waxay ahayd baaq qaran oo toos ugu jeeda bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada, aqoonyahanka iyo warbaahinta. Waxaa uu si cad u muujiyay in Somaliland wajahdo khataro kala duwan oo xagga siyaasadda, warbaahinta, iyo baraha bulshada ah, kuwaas oo ay suurtagal tahay in mararka qaar loo adeegsado dad gudaha jooga si ay khalkhal ugu keenaan midnimada iyo jiritaanka dalka.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa noqday goobaha ugu firfircoon ee lagu furo marin habaabinta, warar been abuur ah, iyo shaki gelin joogto ah oo lagu beegsanayo sumcadda Somaliland. Sidaa darteed, wasiirka waxa uu muujiyay baahida degdegga ah ee loo qabo feejignaan bulsho iyo in si dhab ah loo fahmo ujeeddooyinka dhabta ah ee dabada ka riixaya dacaayadaha iyo khilaafaadka la abuurayo.

Waxaa muhiim ah in dhallinyarada wax baratay ay u kacaan doorkooda qaran, isla markaana ay fahmaan masuuliyadda saaran, sidoo kalena ay noqdaan laf-dhabarta difaaca Somaliland. Difaac aan ahayn mid hubaysan oo kaliya, balse mid maskaxeed, mid xog ogaalnimo iyo mid u taagan ilaalinta sumcadda qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu waxa uu si cad u sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay hoggaanin, hage iyo iskaashi dhab ah, balse ay sidoo kale muhiim tahay in iskaashigaasi uu noqdo mid laba-geesood ah oo ay bulshada aqoonyahanka ahi kaalin muuqata ku yeeshaan.

Gabagabo ahaan, hadalka Wasiir Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa uu ahaa baaq wax ku ool ah oo lagu dhiirrigelinayo feejignaan bulsho, wada-jir qaran, iyo in hal-abuurka dhallinyarada la horkeeno difaaca dhabta ah ee Somaliland. Waa xilli aynu u baahan nahay in aynu ka faa’iidaysanno aqoonta, garashada iyo maskaxda dhallinyarada si loo ilaaliyo midnimada, sumcadda, iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

Wargeyska Dawan wuxuu ku baaqayaa in dhallinyaradu aanay noqon kaliya kuwo shaqo sugaya, balse ay noqdaan kuwo u dhaqaaqa badbaadinta iyo dhisidda mustaqbalka dalkooda. Aqoonyahan, saxafi iyo ardayba, mid kasta ha ka tagin kaalintiisa!