Cuntada Waddaniga ah oo Hoos-u-dhigta Khatarta Kansarka, Wadno-Xannuunka iyo Macaanka

0
326

Cilmi-baadhis uu sameeyey dugsiga Caafimaadka ee Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in cunista cuntooyinka hadhuudhka ah sida qamadida, arabakhida iyo garawgu ay ka hortagaan khatarta Kansarka, Wadno-xannuunka, Macaanka iyo xannuunada dheef mareenka ku dhaca Cuntooyinka isha leh (Fibres) waxay ku jira nafaqo, macdano iyo Antioxidants, waxaannay khubarada baadhay sheegtay in haddii qofku cuno 34g maalintii in haweenka ay awood u healayaan uu 17% ka badbadaan khatarta in ubadkoodu uurka ku dhintaan., iyadoo la barbardhigay dadka iyagu quuta 3.9 g oo cuntadan ah oo aan awoodooda difaaca cudurradu

wanaagsanayn.

Cilmi-badhayaashu waxa kale oo ay sheegeen in daraasadoodu muujisay in dadka cuntadan cuna ay 11% ka badbadaan xannuunada dheef mareennadaku dhaca, halka 48% aanu ku dhicin xannuunka macaanku.

Cilmi-baadhistani waxay iftiimisay muhiimadda ay leeyihiin cuntooyinka waddaniga ah oo hodan ku ah faa’iidooyin badan oo caafimaad, kuwaas oo u wanaagsan guud ahaan xaaladda nololeed ee qofka. Isticmaalka joogtada ah ee cuntooyinkan waxaa laga dhaxli karaa yareynta khatarta cudurrada halista ah, kor u qaadista difaaca jidhka iyo wanaajinta caafimaadka hooyada iyo ilmaha. Sidaa darteed, waxaa lagula talinayaa bulshada in ay ka dhigaan qayb ka mid ah cuntadooda maalinlaha ah si ay uga faa’iidaystaan daryeelka iyo ilaalinta caafimaadkooda.

La soco..